Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?

Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?

Mudo ka badan 15 sanadood laga bilaabo 2005 waa doorashadii ugu horeysey ee Golaha Wakiilada Somaliland (House of Representatives) ee la qabto. Doorashadan cusub waxay ku beegan tahay inay qabsoonto bishan May 31 keeda, iyadoo noqon doonta marki ugu horeysay ee laba doorasho oo isku sidkan ama isa saaran oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deeganka – caasimada Hargeisa iyo magaaloyinka darajooyinka A, B, iyo C ah – la qorsheeyey qabsoomintooda.

Xildhibaadanii Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee lasoo doortay 2005 kii isbedel weyn(transformation) ayaa ku yimid. Isbedelkaa weyni wuxuu ka yimid nidaamka maamul dawladeed iyo xisbiyadii siyaasadeed. Tusaale ahaan, sanadkii 2005 xubnihii soo baxay waxay kala matalayeen saddex xisbi qaran oo kala ahaa UCID, Kulmiye, iyo UDUB. Waxaa dhacday inay asxaabtii qaar ay saaxadaba siyaasadda ka baxeen sida xisbi xaakim kii hore ee UDUB, kadib markii u doorashooyinkii degaanka ee 2012 ku soo bixi kariwaayey, iyadoo badilkiisii uu noqday xisbi cusub oo siyaasada dalka ku soo biiray – Xisbiga Wadani oo dhashay sanadkii 2012 kii.

Isbadelkani wuxuu sababay inay xildhibaanadii xisbigii UDUB laga so doortay ay dhamaantood agoomoobaan. Kadib waxay ku kaliftay inay la kala saftaan sadexda xisbi ee soo baxay 2012 kii oo u ku jiro xisbiga Wadani. Waqtigaas Xisbiga UCUD waxaa la darsey caqabad ah in laga qaxo oo xunihiisii Golaha wakiilada ugu jiray badankookii galaan xisbiyada Wadani iyo Kulmiye. Dhibaatadanna waxaa dhaliyey doorasho la’aantii la soo deristey Golaha Wakiilada oo shantii sanaba mar la dooran jiray.

Haddaba golaha cusub ee imaan doona waxaa laga filayaa inay noqdaan kuwo ka duwan kuwii hore  markay noqoto dhinac shaqo, curin, matalaad, maamul, iyo masuuliyadba. Sadex arimood ayuunbaa muhiima inay xooga saaran oo kala ah:

1 – Matalaad Dhab ah

Matalaadoodda ugu horeysaa waa iney noqotaa dadka degan degmooyinka laga soo doortay oo isla gobol ka ah.
Matalaada xigtaa waxaa weeyi gobolada ka yaallaan degmo doorashooyinku.
Xisbiyadda ka tirsan yihiin ee magacoodda ay ku kasoo baxeena waa inay matalaan oo ay hirgaliyaan qorshayaasha siyaasadeed ee xisbiyadda eek u waajahan danta qaranka, diinta, iyo dadkaba.
Ugu dambeyn, matalaada ugu muhiimsan ee laga filayo Golaha wakiiladu waa inay noqotaa mida uu qarankiisa ku matalayo shuruud la'an.

2 – Sharcidajin

Shaqada ugu badan ee laga filaayo Golaha Wakiilada waa dajinta shuruucda dalka, qaybyo tirkooda, iyo waliba curinta shuruucda cusub ee baahiyaha isbedelaya ee qaranku keenaan

 Ansixinta shuruucda faa'idada u leh ummadda iyo diididda shuruucda aan waxtarka u lahayn qaranka.
Waxaa kale oo iyana muhiima inay xubnaha wakiiladdu ay ka qayb noqdaan gudiyo hosaadyadda Golaha ee ay aqoontoodu jaamacadeed faa’iido ka dhalin karto.
Kormeerka iyo la xisaabtanka xukumada iyana waa mid lagama maarmaan ah si loo xakameyn karo awooda waaxda fullinta ee dawladda.

3 – Xafiis Degmo iyo Isnidaamin

Wakiil waliba waa inuu sameysto xaafis heer dagmo ah oo uu ku qaabilo dadka uu matalaayo. Tusaale ahaan, xildhibaanka ka soo baxa gobolka Sool waa inuu caasimada gobalkiisa ee Laascanod ku yeeshaa xafiis.

Xafiisyadda xildhibaanada wakiiladda waa in shaqaale aqoon iyo khibrad leh laga hawl galiyo, siiba ardayda jaamacadaha ka baxday ee bilaa camalka ah. Tirada shaaqalaha xafiska heer degmo waa in aanay ka yaraan 2 qof, oo ay ku fiican tahay inay noqdaan wiil iyo gabadh si loo shaqo galiyo dumarkana. Shaqaaluhu waa inay shaqadan imtixaano ay ku guuleysteen ku helaan, mushaharkooduna aan ka yaraan $300-$400 bishiiba. Lacagta ku baxaysa mushaharka shaqaalaha waan in 40% ka timaadaa dhinaca xildhibaanka wakiiladda inta kale oo ah 60% xukumadu ay kabtaa.

Xildhibaanku waa inuu yeeshaa xog-ururin la xidhiidha shaqadiisa oo bari ka maalin haddii uu doorasho labaad galo uu waxqabadkiisa soo bandhigi karo amba ay shacabkiisu kula xisaabtami karaan. Tusaale ahaan, sida uu u codeeyo iyo xeerarka uu soo jeediyeyba waa inay u sajilan yihiin xildhibaanka.

Bishii hal isbuuc waa inuu booqdaa xildhibaanku gobolkii laga soo doortay si uu ula kulmo shacabkiisi soo doortay oo uu xogwareysi siiyo xagay arimuhu marayaan iyagana uu uga dhagaysto tallooyinkooda, iyo tabashoyinkoodaba. Fasaxaa wiiga ahi waa inuu noqdaa mid dhammaan goluhu galo si halmar ay u wada bixi karaan xildhibaanadu oo ay islamarna u soo wada noqon karaan si aanu tafaraaruq ugu dhicin codeynta iyo ansixinta xeerarka.

Dunida waxaa wararka xildhibaanada laga helaa bogag (websites) u gaarka ah. Waa inuu xildhibaan waliba leeyahay mareeg magaciisa ku diwaan gashan oo laga heli karo macluumadkiisa iyo shaqada u umadda u hayo.

Talo la xidhiidha waxay noqon karto hawlaha shaqaalaha xafiiska heer dagmo ee xildhibaanada iyo talo kale uu ku socota xildhibaanada golayaasha deeganka gadaal ayadin ka arki doontan hadi Allah SWT qadaro.

La soco qoraalada dambe ee maalmaha soo socda.

Qore:

Zaki Maki
Minneapolis, USA

Leave a Reply