Category: Faallo

Xeer Hoosaadka Xisbiga Kulmiye iyo Ismaandhaafka Dhexdiisa

Xeer Hoosaadka Xisbiga Kulmiye iyo Ismaandhaafka Dhexdiisa

Muran siyaasadeed oo ka dhex taagan gudaha Xisbiga Kulmiye oo u kala qaybiyey labo dhinac ayaa dhawaan dibadda u soo ifbaxay, tiiyooy kooxahaasi eedaymo isku lid ah saxaafadda iyo baraha bulshadda isu mariyaan.

Mudo xileedka Gudidda Dhexe iyo Gudidda Fulinta ee Xisbiga Kukmiye ayaa ku eg inay dhammaaneyso bilowga bishan tobnaad ee Oktobar sanadkan, iyagoo xilkan soo hayey shantii sano ee u dambeeyey.

Mid ka mid ah garabyada xisbiga dhexdiisa ku hirdamaya waa “Gudidda Fulinta” ee waqtigan xaadirka ah xilka haysa iyo musdambeedkeeda “Gudidda Dhexe” ee iyaga la safan. Hormoodka kooxda ka horjeedaa ilaa imika ismay caddeyn laakiin xanta suuqu waxay tuhmeysaa inuu yahay Madaxweynihii hore ee dhawaan xilka ka degay.

Arrinta udub dhexaadka u ah murankan siyaasadeed ayaa noqoneysa qabashadda “Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran” sida uu dhigaayo Axdiga Xisbigu oo ah inuu qabsoomo shantii sano ba mar, iyo awoodaha “Gudidda Dhexe” iyo “Gudidda Fulinta”.

QODOBKA 14AAD ee Xeer Hoosaadka Xisbiya ayaa qeexaya qaab-dhismeedka xisbiga, Faraciisa 1.1 ayaana u dhigan sidan hoos ku qoran:

“Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran ayey hoos yimaadaan:

a) Golaha Dhexe ee Xisbigu

b)  Gudidda Fulinta ee Golaha Dhexe.

QODOBKA 15AAD ee xaarankan ayaa isaguna sheegaya in Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran uu yahay awooda ugu sareysa ee xisbiga tiiyoo shirweynahana la qabanaayo shantii sanaba mar.

QODOBKA 17AAD ee axdigan xisbiga Kulmiye ayaa isna qeexaya awoodaha Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran:

  1. Ansaxinta iyo wax-ka-bedelka dastuurka xisbiga
  2. Ansaxinta iyo wax-ka-bedelka barnaamijka xisbiga
  3. Doorashada hogaanka xisbiga oo ka kooban: gudoomiyaha iyo gudoomiye-ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xisbiga
  4. Doorashada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga
  5. Go’aaminta siyaasada iyo qorshayaasha guud ee xisbiga
  6. Wax-ka-bedelka ama baabi’inta go’aanada iyo xeerarka golaha dhexe.

Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran waa madasha lagu caleemo saaro “Gudidda Dhexe iyo Gudidda Fulinta” ee xisbiga oo mudo shan sano xilka haynaya.

Axdiga Xisbiga Kulmiye oo dhan isagoo ku qoran Af Somali halkan ka AKHRISO.

Axdiga Xisbiga Kulmiye awood xeer dejin ku meelgaadha wuu siiyey “Gudiida Dhexe” isagaa sidan hoos ku qoran u dhigan:

“Inta u dhaxeysa labada shirweyne xisbi ee heer qaran; baahi jirta oo lagama
maarmaan ah awgeed, Golaha dhexe ee xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu wax-
ka-bedel ku sameeyo dastuurkan si danta guud ee ururka/xisbiga waafaqsan
Xaaladaha wax-ka-bedelka dastuurkan waxa lagu ansixinayaa 2/3 (saddex meelood
oo laba) tirada guud ee Golaha dhexe

Waxa ka muuqata Axdigan Xisbiga Kulmiye in aanu si cad uga hadal, xeer ka dhiganna aanu jirin, dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga (Kulmiye Convention), taas oo noqoneysa in shirku marwalba ku qansoomo waqtigiisa.

Kooxda ka soo horjeeda dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga waxa muuqata in ay gar leeyihiin mar haddii Xeer Hosaadkii Xisbiga aanu arrinkani ku cadeyn sida loo maamulayo iyo awooda maamuleysaba.

Haddaba adigoo tixraacaya Axdiga Xisbiga si qoto dheerna u darsaayaa, gar qaad oo eex ka fogow.

Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?

Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?

Maqaalkan oo Af Ingiriisi ah halkan ka AKHRISO

Shakhsi jaceylka si indho la’aana loo aamino iyo rumeysiga  hadallo madhan  waxay noqdeen aafo soo ifbaxday mudadii uu Madaxweyne Muse Bihi xilka hayey, lagana yaabo inay ka dhigaan Madaxweynihii ugu xumaa tan iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadeenna Somaliland. Inkasta oo aynaan dul istaageyn burburka tareenka uu wado Madaxweyne Muse Bixi iyo halka uu kaga jiri doono buugaagta sooyaalka taarikhda, qoraalkan nuxurkiisu wuxuu yahay in dadweynaha Reer Somailand ay yeesheen dhaqan cusub oo ah inay dabogalaan ash-khaasta hadaladda macaan ee aan micnaha badan lahayn ku hadaaqa.

Continue reading “Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?”

Somaliland: W. Caafimadka oo Weli COVID-19 Kharash ku Bixisa Xumadana Ogeyn

Somaliland: W. Caafimadka oo Weli COVID-19 Kharash ku Bixisa Xumadana Ogeyn

Wasaaradda Caafimadka oo weli kharash balaadhan ku bixisa qalabka & dawo-badhista COVID-19 Continue reading “Somaliland: W. Caafimadka oo Weli COVID-19 Kharash ku Bixisa Xumadana Ogeyn”

Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17


Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17

Xukuumadda Somaliland ayaa ku kharashgareysay lacag dhan US$222,153 dhismaha cusub ee “Taaladda Xasuus Halgan – War Memorial Monument” ee badhtamaha Hargeysa ku taal. Naqshaddan cusub ee taaladda waxaa dhisay kambaniga Dhismaha ee Zak (Zak Construction), iyada oo ka kooban jaranjarooyin, shan tiir oo shuba, diyaaraddii dagaalka MiG-17 oo dusha lsaaran,  iyo beer leh meelo hadheysan oo dadweynaha loogu talogaley Continue reading “Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17”

Somaliland Aid Group

Somaliland Aid Group

Waa urur mucaawimo oo dalka Sweden laga asaasaay sanadkii April 8, 1996 cinwaankiisuna yahay:  Continue reading “Somaliland Aid Group”

Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?

Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?

Mudo ka badan 15 sanadood laga bilaabo 2005 waa doorashadii ugu horeysey ee Golaha Wakiilada Somaliland (House of Representatives) ee la qabto. Doorashadan cusub waxay ku beegan tahay inay qabsoonto bishan May 31 keeda, iyadoo noqon doonta marki ugu horeysay ee laba doorasho oo isku sidkan ama isa saaran oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deeganka – caasimada Hargeisa iyo magaaloyinka darajooyinka A, B, iyo C ah – la qorsheeyey qabsoomintooda. Continue reading “Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?”

Waa Kuma Hogaamiye

Waa Kuma Hogaamiye

Si kooban haddii loo dhigo “Hogaamiye”: waa  Hagaajiye, Lawadaage, Bare, Isticmaale, iyo barte Continue reading “Waa Kuma Hogaamiye”

Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye

Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye

Malintii December 27, 2020, ayey baarlamaanka 10aad ee ka kooban labada aqal – Aqalka Sare (Senators) iyo Golaha Shacabka (House of Representatives) – ee dalka Federalka Somaliya ay ka dhamaatay mudo xileedkoodii ahaa afarta sano. Continue reading “Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye”

Maskaxdii Hindistey Abuuritanka Ururka IGAD

Maskaxdii Hindistey Abuuritanka Ururka IGAD

Urur goboleedka afar iyo sodon jirsaday ee Afrikada bari ee marka la soo gaabiyo lagu magacaabo IGAD (Intergovernmental Authority for Developments) waxa lagu assaassay magalada Djibouti 1986 kii. Continue reading “Maskaxdii Hindistey Abuuritanka Ururka IGAD”

Xiyiraada Flydubai Go’aan Caddaalad Huwan Maaha

Xiyiraada Flydubai Go’aan Caddaalad Huwan Maaha

Waxaa mudan  inay shacabka Somaliland – gudo iyo dibadba – iswediiyaan su’aal odhaneysa: Continue reading “Xiyiraada Flydubai Go’aan Caddaalad Huwan Maaha”