Category: Faallo

Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?

Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?

Maqaalkan oo Af Ingiriisi ah halkan ka AKHRISO

Shakhsi jaceylka si indho la’aana loo aamino iyo rumeysiga  hadallo madhan  waxay noqdeen aafo soo ifbaxday mudadii uu Madaxweyne Muse Bihi xilka hayey, lagana yaabo inay ka dhigaan Madaxweynihii ugu xumaa tan iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadeenna Somaliland. Inkasta oo aynaan dul istaageyn burburka tareenka uu wado Madaxweyne Muse Bixi iyo halka uu kaga jiri doono buugaagta sooyaalka taarikhda, qoraalkan nuxurkiisu wuxuu yahay in dadweynaha Reer Somailand ay yeesheen dhaqan cusub oo ah inay dabogalaan ash-khaasta hadaladda macaan ee aan micnaha badan lahayn ku hadaaqa.

Continue reading “Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?”

Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17


Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17

Xukuumadda Somaliland ayaa ku kharashgareysay lacag dhan US$222,153 dhismaha cusub ee “Taaladda Xasuus Halgan – War Memorial Monument” ee badhtamaha Hargeysa ku taal. Naqshaddan cusub ee taaladda waxaa dhisay kambaniga Dhismaha ee Zak (Zak Construction), iyada oo ka kooban jaranjarooyin, shan tiir oo shuba, diyaaraddii dagaalka MiG-17 oo dusha lsaaran,  iyo beer leh meelo hadheysan oo dadweynaha loogu talogaley Continue reading “Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17”

Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?

Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?

Mudo ka badan 15 sanadood laga bilaabo 2005 waa doorashadii ugu horeysey ee Golaha Wakiilada Somaliland (House of Representatives) ee la qabto. Doorashadan cusub waxay ku beegan tahay inay qabsoonto bishan May 31 keeda, iyadoo noqon doonta marki ugu horeysay ee laba doorasho oo isku sidkan ama isa saaran oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deeganka – caasimada Hargeisa iyo magaaloyinka darajooyinka A, B, iyo C ah – la qorsheeyey qabsoomintooda. Continue reading “Golaha Wakiillada Cusub ee Somaliland Maxaa Laga Rabaa?”

Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye

Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye

Malintii December 27, 2020, ayey baarlamaanka 10aad ee ka kooban labada aqal – Aqalka Sare (Senators) iyo Golaha Shacabka (House of Representatives) – ee dalka Federalka Somaliya ay ka dhamaatay mudo xileedkoodii ahaa afarta sano. Continue reading “Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye”

Doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee 2020

Doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee 2020

Afartii sanaba waxaa ka dhaca dalka Maraykanka doorashada madaxwaynaha. Madaxweyne Donald Trump iyo madaxwyne-ku-xigeenkii hore ee Joe Biden ayaa la filayaa inu tartan adagi ku dhex maro doorashoyinka dalka Maraykanka maalinta salaadada (Tuesday) ee bisha November 3, 2020. Continue reading “Doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee 2020”