Category: War

Maxkamaddoo Go’aamisey Xanibaada Goobaha Bulshada ee Colaada & Dacaayadda ku Hawlan

Maxkamaddoo Go’aamisey Xanibaada Goobaha Bulshada ee Colaada & Dacaayadda ku Hawlan

Go’aan maxkamadeed oo soo baxay badhtamihii bishii January ee sanadkan 2023 oo ay aragtay mareegta Somaliland Chronicle ayaa lagu doonayaa in lagu xakameeyo weriyayaal kooban oo lagu eedeeyey kicin rabshado iyo dacaayad been abuura. Waxaanay maxkamadu ku amartay hawl-wadeennada kambaniyadda isgaadhsiinta ee Somaliland inay xannibaan bogagga baraha bulshada ee 9 weriye iyo mareego warbaahineed oo lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo colaad hurin. Continue reading “Maxkamaddoo Go’aamisey Xanibaada Goobaha Bulshada ee Colaada & Dacaayadda ku Hawlan”

Michael Rubin oo ku Baaqay in la Joojiya Xaqiraadda Dimuqradiyadda Somaliland

Michael Rubin oo ku Baaqay in la Joojiya Xaqiraadda Dimuqradiyadda Somaliland

Maqaal dheer oo uu maanta ku qoray bogga internatka ee Machadka Afkaarta Maraykanka “American Enterprise Institute” ayuu ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanku inay joojiso yareysiga iyo xaqiraadda ay ka muujisey dimuqraadiyadda qaranka Somaliland iyadoo ka dheregsan wadciga ka jira wadamadda Geeska Afrika. Continue reading “Michael Rubin oo ku Baaqay in la Joojiya Xaqiraadda Dimuqradiyadda Somaliland”

Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo la Bililiqeystey

Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo la Bililiqeystey

Warqad lagu faafiyey baraha bulshada, ayuu Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye Wacays shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xasan Dirrir xad gudubyo uu ku eedeeyey oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo xil gudosho la’aan.  Continue reading “Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo la Bililiqeystey”

Gudomiyihii Xisbigii NUF: Marxuun Axmed Xasan Ibrahim (1904-1980)

Gudomiyihii Xisbigii NUF: Marxuun Axmed Xasan Ibrahim (1904-1980)

Axmed Xasan waxa lagu qiyaasaa inuu dhashay 1904. Waxa uu ku dhashay agagaarka miyiga Hargeysa, oo aan magaalo ahayn xilligaas. Sida uu qiyaasayo Cumar Axmed Xasan waxay qoyskoodu degi jireen inta u dhaxaysa Wadda-Bariis ilaa Buurta Almis. Waxay ahaayeen qoys geela dhaqda oo sida la sheegay Xasan Ibraahin oo ahaa aabbihii ayaa geela aad u jeclaa. Axmed Xasan waxa uu dhigtay qur’aanka oo sidii carruurta Soomaalida loogu bilaabi jiray malcaamadda ayuu sidaa ku bartay Quraanka. Waxa kale oo yaraantiisii u fududaatay inuu barto Afka Carabiga. Ku hadalka Afka Carabiga iyo sida uu u bartay Cumar Axmed Xasan oo ka warramaya waxa uu yidhi: Continue reading “Gudomiyihii Xisbigii NUF: Marxuun Axmed Xasan Ibrahim (1904-1980)”

Dufcaddii 1aad ee ka Qalinjabisa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka

Dufcaddii 1aad ee ka Qalinjabisa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen 400 (Afar boqol) oo macallin oo ah dufcaddii koowaad ee ka baxda kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka, ee ku taala duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa. Continue reading “Dufcaddii 1aad ee ka Qalinjabisa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka”