Siyaasadda Waxbarasho ee Somaliland uma Adeegeyso Qarankan
(Qoraalkan isagoo Af Ingiriisi ku soo baxay halkan iyo halkan ka akhriso)
Aniga oo maanka ku hayey in muddo ah in aan ka faalloodo Siyaasadda Waxbarashada ee Somaliland, ayaan la kulmay warqaddan furan ee ku socota Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, taas oo sii xoojisey werwerkii aan hreba u qabey.
Maaddaama waxbarashadu door muhiim ah ka ciyaarto nolosha qofka iyo ta bulshadaba, iyo waliba horumarka iyo hore-u-socodka waddan kasta, Siyaasadda Waxbarashada waa in loo dhigaa qaab ay si hufan ugu hagi karto nidaamka waxbarashada iyo qaybihiisa aasaasiga si loo daboolo baahiyaha ka jira dalka.
Gaar ahaan siyaasadda hadda jirta ee loogu talo galay waxbarashada heerka jaamacadeed ma aha mid u adeegeysa baahiyaha ka jira maanta bulshada Somaliland iyo qarankaba. Waxa kaliya ee ay abuurtey waa suuq ay ku diirsadeen macalimiinta iyo borofisarrada ajaanibka ah, isla markaana xaalufinaysa jeebabka ardayda reer Somaliland iyo waalidkood iyadoon u diyaarin shaqo iyo nolol midna sidii la filayay.
Somaliland carruurta da’da iskuulka gaadhey ee dugsiyadda hoose dhigataa waa in ka yar 50% (49% iyo 40% wiilasha iyo gabdhaha siday u kala horreeyaan). Halkaas waxaa ka cad in inta badan carruurta da’da iskuulka joogtaa ayna ahayn kuwo ku jira xayndaabka nidaamka waxbarashada ee dalka. Tiiyoo xaaladda guud ee carruurta da’da iskuulka gaadhey aynaba fiicneyn marka hore, waxa iyaduna dhibteeda leh in aaney siyaasadda waxbarashada ee dalku aysan si wanaagsan ugu adeegin kuwa ku jira nidaamka iskuulka qudhooda.
In ka badan 250,000 oo caruur ah oo ku jira nidaamka iskuulada Somaliland – tiradaas oo ay dhowaan bixisay UNICEF – ardayda ugu badan ayaa dhigata dugsiyada dawladda ee hoose / dhexe iyo kuwa sareba, halkaas oo dhammaan waxbarashadda fasalada lagu dhigo afka Soomaaliga. Sawirka iskuulada gaarka loo leeyahay kama duwana kan dugsiyadda dawladda haba yaraatee, inkasta oo buugaagta ay adeegsadaan ay Ingiriisi ku qoran yihiin isla markaana luuqad Ingiriisiga la baro, sababtoo ah fasalada oo dhan waxaa loogu sharxaa Af-Soomaali. Isku soo wada duuboo, dhamaan ardayda reer Somaliland, ha ahaadaan kuwa dugsiyadda dawliga ah ama kuwa gaarka loo leeyahay dhigta, waxay ku helaan waxbarashadooda Af Soomaaliga.
Maaha wax qayrul caadi ah laakiin waa dhaqan caama oo meel walba ka jira waajibna ah in lagu bixiyo casharrada duigsiyadda lagu dhigto afkaaga hooyo, sida Af-Soomaali, laga bilaabo dugsiyadda hoose illaa iyo waxbarashada sare ee jaamacadda. Inta badan wadamada adduunka iyo mandaqadeenaba, waxbarashada lagu barto luuqadaha maxaliga ah ayaa laga hormariyaa lagana doorbidaa tan lagu qaato luqad kale oo ajnabi ah. Wadamo badan oo ka mid ah dunida horumartey iyo kuwa soo koraaya, dadkooduna inta badan waxbarteen oo qayb ka yihiin horumarka dalalkooda, waxaa halkaas gaadhsiiyey inta badan inay wax ku bartaan afafkooda hooyo sida Japan, China, Russia, South Korea, India iyo qaar kaloo badan.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland – Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) – ayaa dhawaan sheegay in laga bilaabo 29-ka bisha Ogos, dalka mamnuuc ka yihiin in dugsiyada hoose/dhexe ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba tacliinta lagu bixiyo afafka qalaad ee aan ahayn Af-Soomaaliga. Wuxuu intaas ku daray in iskuulada gaarka loo leeyahay ee wax ku dhiga af qalaad ay waayi doonaan ruqsada dowlada, iskuulada dowlada ee sidaas oo kale sameeyana sharciga lala tiigsan doono.
Hadalka Wasiirka wuxuu salka ku hayaa go’aan dhowaan ka soo baxay wasaaradiisa oo ahaa in lagu dhigo waxbarashada aasaasiga ah iyo tan dhexeba Afka Soomaaliga halka tan dugsiga sare ay noqon doonto mid lagu qaato luuqada Ingiriisiga, iyada oo aan tixgelinba la siinin muddada kalaguurka ee siyaasadani ay horseeday. Tani waxay daliil u tahay naxariis la’aanta wasaaradda iyo karti darrideeda marka ay timaaddo isbeddelada siyaasad-waxbarasho oo raad ballaaran ku yeelaneysa dugsiyada dalka. Isbedelka noocan ah si dhakhso ah looguma hirgalin karo toddobaadyo gudahood marka buugaagta manhajka la bedelaayo oo weliba sidoo kalena macallimiinta loo tababaraayo inay ku bixiyaan fasalada luuqadda Ingiriisiga ah. Dhab ahaantii, waxaa halkan ka muuqata inay gacan siyaasadeed ku jirto arrinkan degdega loo fulinaayo.
Wasiirka hubaal ma oga in xaqiiqdu ay tahay inaysan dalka ka jirin hal jaamacad ama machad xirfadeed oo waxbarashada kalaaska ku bixiya Af Soomaali.
Waxa jira hog balaadhan oo u dhexeeya waxbarashada iskuulada iyo tacliinta sare ee Somaliland.
Sidee ardayda, oo ku dhammeystay waxbarashadooda aasaasiga iyo dugsiga sare Af-Soomaali oo aan loo dhigin Af Ingiriisiga gabi ahaanba, ay u la qabsanayaan jaamacadaha oo dhammaan maadooyinka lagu bixiyo luqada Af Ingiriisiga? Xitaa ma jiro hal jaamacad oo bixisaa koorsooyin Ingiriisi ah si ardayda luqadda Ingiriisiga loo baro inta ayna gudagelin waxbarashadda jaamacadda.
Dhammaan jaamacadaha ka jira kana shaqeeya dalka waxay wax ku baraan amba casharada ku bixiyaan Ingiriisiga oo keliya, halka ilaha ardeydu ka soo butaacaan – dugsiyada hoose iyo kuwa sare – tacliinta lagu dhigo Af Soomaali.
Somaliland University of Technology in Hargeisa
University of Hargeisa in Hargeisa
Gollis University in Hargeisa
Amoud University in Borame
Nugaal University in Las Anod
Burao University in Burao
Admas University in Hargeisa
Adna Hospital University in Hargeisa
Eelo University in Borame
Hope University in Hargeisa
Adal Medical University in Borame
Beder International University in Borame
Horn International University in Borame
Timacade University in Gabiley
Frantz Fanon University in Hargeisa
Alpha University College in Hargeisa
Addis Ababa Medical University College in Hargeisa
New Generation University College in Hargeisa
Mount Kenya University – Hargeisa Campus
Shifa Medical University in Hargeisa
Rift Valley University in Hargeisa
Bubal Dental University College in Hargeisa
Jumma University – Hargeisa Campus
Sheikh Technical Veterinary School in Sheikh
Times Higher Education, oo ah mid ka mid ah joornaaladda ugu magaca weyn ee bixiya xogta tacliinta sare, ayaa sannad kasta daabaca sida jaamacadaha adduunka u kala wanaagsan yihiin iyagoo afar meelood ka qiimeeya : habka waxbarista, cilmi baarista, aqoon korodhsiga, iyo aragtideeda caalamiga ah. Waxay hadda soo saartay Qiimeynta Jaamacadda Adduunka 2021
Aqoon gudbintu (transfer of knowledge) waa mid ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee jaamacaduhu ku dhisan yihiin, la’aanteedna ardaydu ma helayaan wax aqoon ah oo aan ka ahayn lacag ka baxda iyo waqti ka luma. Cawaaqib xumada arintan ku reebtay Somaliland ayaa waxaa ka mid ah macalimiin ajaanib ah oo aad loo shaqaaleysiiyo si loo daboolo baahida jirta iyo qiimihii waxbarashada oo gaadhey meel aan ardeydu goyn kareyn – taas oo iyaduna noqota caqabad kale oo hortaagan in ardaydu jaamacadihii galaan. Hase yeeshe, dhibaato kale ee ay siyaasaddani keentay ayaa ah in xitaa kuwa awooda u leh inay bixiyaan fiiga waxbarashada ee cirka isku shareeray aysan dooneyn inay jaamacad galaan sababtoo ah luqadii Ingiriisiga ayaa hortaagan. Sidaa awgeed, tiro badan oo hal abuur iyo karti badan leh ayaa ku dambeeya in mastaqbalkoodii burburo. Tanna waxa kale oo ay sii kordhineysaa dhibaatada shaqo la’aanta dhalinyarada haysata maadaama nidaamka waxbarashadu uusan soo saareynin shaqaalihii xirfadda lahaa ee oo loo baahnaa.
Haddad Koonbiyuutar iyo internet isla hesho si hawl yar ayaad Afka Ingiriisiga uga baran kartaa meelahan: Khan Academy, IXL, TEDEd, EF, BBC Learning English, Voice of America’s Learning English, JenniferESL, BBC Teach,
Somaliland waa dal curdin ah oo horumar laxaad leh ka socdo sida magaalooyinka waawayn oo si xawli ah u koraya, iyo horumar joogto ah oo ka socda qayb kasta oo nolosha ka mid ah. Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo xirfadaha la xiriira adeegyada martigelinta (hospitality industry), shaqaalaha dhismaha oo ay ku jiraan koronto yaqaanada, iyo alxanleyaasha, shaqaalaha caafimaadka sida kalkaaliyaalka farmashiyaha, kalkaaliyaasha nerista, iyo dhamaan noocyada kala duwan farsamo yaqaanada mashiinada yar yar. Xirfadahani uma baahna shahaado afar sano ah oo jaamacad laga qaato, laakiin waxa kaliya ay u baahan yihiin tababar gacmeed oo dhowr bilood ah oo ay bixiyaan mac-hadyada farsamadda iyo ganacsiga. Mac-hadyadan oo kale ah ama iskuulada xirfadaha noocaasa bixiyaa waa ku yar yihiin dalka. Dadka xirfadahan ku xeel dheer waa in laga keenaa wadamada deriska ah, mar haddii aqoontaas ayna lahayn shaqaalihii Reer Somaliland. Arrimahan oo dhan markaad eegto waxaad xaqiiqsaneysaa in Somaliland qaadatay, welina ku sii hayso, siyaasad waxbarasho oo soo jiidaneysa shaqaalaha ajaanibka ah mar haddii wadanka aan laga hirgelin iskuuladda xirfadahan farsamo lagu barto.
Dugsiga Abaarso ee duleedka Hargeysa waa fasalka 7aad ilaa fasalka 12aad, waana iskuul boodhin ah oo tacliinta lagu dhigo luuqadda Ingiriiska. Ardayda dhigata iskuulkan waxay waxbarashadoodii ka horeysey fasalka 7aad ku soo qaateeniskuulada dawlada ama kuwa gaarka loo leeyahay iyagoo Afka Soomaali ku soo dhigtey. Muddo shan sano gudahood ah, ardayda Abaarso waxay had iyo jeer caado u noqotey inay soo bandhigaan waxbarasho heersare ah oo adduunka ka yaabisay. Dhinaca kale iyagoon waxba is dheereyn, ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha Somaliland si fiican luuqadda Ingiriiska umey baran, iskaba daa koorsooyinka kale ka dib markay barteen afar sano oo jaamacada. Sidaa darteed, sidee ayaa loo sharxi karaa kala duwanaanshan ardayda isku deegaanka ah isla markaana leh aqoon dugsiyeed isku mida?. Laguma doodi karo in ardaydu kala garaad duwan yihiin laakiin eedda oo dhan waxaa iska leh wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo siyaasadeeda waxbarasho.
Meesha kale ee ay siyaasadu ku fashilantay inay wax ka qabato ayaa ah in la sameeyo iskuulo boodhin ah oo ay dawladu maamusho oo loogu talo galay dadka saboolka ah .. Waajibaadka dowlada saaran ayaa ah inay danyarta daryeesho baahiyahooda aasaasiga u ah nolosha iyo waxbarida ubadkooda si ay qoysaskooda uga saaraan saboolnimada.
Xaaladda ay ku sugan tahay siyaasadda waxbarashada Somaliland ee xilligan, oo aan u adeegeynin danaha ardayda iyo dalkaba, ayaa loo aaneyn karaa iyada oo aan helin hay’ad kormeer oo habboon iyo awoodda oo keligeed ku ururtey waaxda fulinta ee xukuumadda. Waxbarashadu waxay u baahan tahay kormeer wax ku ool ah oo hufan oo ka yimaada laanta sharci dejinta Somaliland, gaar ahaan Golaha Wkiiladda, si loo hubiyo loona saxo siyaasadaha xun ee xukumadda. Markayka Aqalka Odayaasha (The Senate) iyo Golaha Wakiilada labaduba, waxaa jira guddiyo-hoosaadyo kormeer buuxa ku haya waxbarashada. Qaab-dhismeedka hadda dhisan ee guddi-hoosaadka baarlamaanka Somaliland, Guddiga Xisaabaadka Guud (Public Accounts Committee – GXG) ayaa kormeera waxbarashada dalka. Dhawaan GXG waxay ku guuleysatay inay la kulanto saraakiisha wasaaradda waxbarashada si wax looga weydiiyo howlaha joogtada ah ee wasaaradda iyo in la hubiyo in miisaaniyadda sanadlaha ah iyo kaalmada shisheeye loo adeegsado sidii loogu talogaley, iyadoo ay ahayd inay diiradda saaraan oo baadhaan in siyaasadda waxbarashada ee dalku ay gaadhsiineyso ummadda horumarkii la rabay oo jihadii saxda ahayd loo socdo.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska waxaa loo dhisay, maamul ahaan, qaab hamiweyn leh oo aad uga fog baahiyaha waxbarasho ee dalka, maadaama inta badan qeybaheeda kaladuwan ayna shaqeynin oo ay kaliya yihiin magac-u-yaal – noqonaya khiyaamo kharash qaran laga cunayo miisaaniyada, halka lacagtaas si kale loogaga faa’iideysan lahaa.
Waa wax aad loola yaabo haddii aad ogaan lahayd tirada qurbajoogta Kenyaanka ah ee ka shaqeeya Somaliland laga bilaabo hodheeladda, jaamacadaha, wershadaha cabitaanka sameeya.
Dayaca iyo karti darida ka jirta nidaamka waxbarashadda Somaliland ayaa ah wax iska cad oo aan la aqbali, marka loo eego kaalmada shisheeye ee ay hesho oo weliba lagu daro qoondada miisaaniyadda sanadlaha ah. Muddo labo sano gudahood ah, waxay heshay ku dhowaad US$ 14 milyan oo kaalmo shisheeye ah. Iin 2018, Isbaheysiga Caalamiga ee Waxbarashadda (The Global Partnership for Education) waxay siisay Somaliland deeq dhan US$7.68 milyan si kor loogu qaado tayada iyo fidinta waxbarashada iyo waliba dayactirka dhismayaasha iskuulada. Sannadkii 2019-kii, Waxbarashada Dib-ha-u-dhigin, (Education Cannot Wait) oo ah urur caalamiya, waxay bixisay $6.7 milyan si kor loogu qaado helitaanka waxbarashada ee Somaliland.
Umaddu waxay aad ugu baahan tahay ugu yaraan hal jaamacad dawli ah oo wax lagu dhigo Afka Soomaaliga si maskaxda iyo caqliga ardayda Reer Somaliland loo maalo
Qoraagan oo ah:
.Ahmed J Yassin
Email: ajyassin4@gmail.com
Follow on Facebook Twitter
Clinical Laboratory Professional
Jacksonville, Florida, USA