Xeer Hoosaadka Xisbiga Kulmiye iyo Ismaandhaafka Dhexdiisa
Muran siyaasadeed oo ka dhex taagan gudaha Xisbiga Kulmiye oo u kala qaybiyey labo dhinac ayaa dhawaan dibadda u soo ifbaxay, tiiyooy kooxahaasi eedaymo isku lid ah saxaafadda iyo baraha bulshadda isu mariyaan.
Mudo xileedka Gudidda Dhexe iyo Gudidda Fulinta ee Xisbiga Kukmiye ayaa ku eg inay dhammaaneyso bilowga bishan tobnaad ee Oktobar sanadkan, iyagoo xilkan soo hayey shantii sano ee u dambeeyey.
Mid ka mid ah garabyada xisbiga dhexdiisa ku hirdamaya waa “Gudidda Fulinta” ee waqtigan xaadirka ah xilka haysa iyo musdambeedkeeda “Gudidda Dhexe” ee iyaga la safan. Hormoodka kooxda ka horjeedaa ilaa imika ismay caddeyn laakiin xanta suuqu waxay tuhmeysaa inuu yahay Madaxweynihii hore ee dhawaan xilka ka degay.
Arrinta udub dhexaadka u ah murankan siyaasadeed ayaa noqoneysa qabashadda “Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran” sida uu dhigaayo Axdiga Xisbigu oo ah inuu qabsoomo shantii sano ba mar, iyo awoodaha “Gudidda Dhexe” iyo “Gudidda Fulinta”.
QODOBKA 14AAD ee Xeer Hoosaadka Xisbiya ayaa qeexaya qaab-dhismeedka xisbiga, Faraciisa 1.1 ayaana u dhigan sidan hoos ku qoran:
“Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran ayey hoos yimaadaan:
a) Golaha Dhexe ee Xisbigu
b) Gudidda Fulinta ee Golaha Dhexe.
QODOBKA 15AAD ee xaarankan ayaa isaguna sheegaya in Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran uu yahay awooda ugu sareysa ee xisbiga tiiyoo shirweynahana la qabanaayo shantii sanaba mar.
QODOBKA 17AAD ee axdigan xisbiga Kulmiye ayaa isna qeexaya awoodaha Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran:
- Ansaxinta iyo wax-ka-bedelka dastuurka xisbiga
- Ansaxinta iyo wax-ka-bedelka barnaamijka xisbiga
- Doorashada hogaanka xisbiga oo ka kooban: gudoomiyaha iyo gudoomiye-ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xisbiga
- Doorashada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga
- Go’aaminta siyaasada iyo qorshayaasha guud ee xisbiga
- Wax-ka-bedelka ama baabi’inta go’aanada iyo xeerarka golaha dhexe.
Shirweynaha Xisbiga ee heer qaran waa madasha lagu caleemo saaro “Gudidda Dhexe iyo Gudidda Fulinta” ee xisbiga oo mudo shan sano xilka haynaya.
Axdiga Xisbiga Kulmiye oo dhan isagoo ku qoran Af Somali halkan ka AKHRISO.
Axdiga Xisbiga Kulmiye awood xeer dejin ku meelgaadha wuu siiyey “Gudiida Dhexe” isagaa sidan hoos ku qoran u dhigan:
“Inta u dhaxeysa labada shirweyne xisbi ee heer qaran; baahi jirta oo lagama
maarmaan ah awgeed, Golaha dhexe ee xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu wax-
ka-bedel ku sameeyo dastuurkan si danta guud ee ururka/xisbiga waafaqsan
Xaaladaha wax-ka-bedelka dastuurkan waxa lagu ansixinayaa 2/3 (saddex meelood
oo laba) tirada guud ee Golaha dhexe“
Waxa ka muuqata Axdigan Xisbiga Kulmiye in aanu si cad uga hadal, xeer ka dhiganna aanu jirin, dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga (Kulmiye Convention), taas oo noqoneysa in shirku marwalba ku qansoomo waqtigiisa.
Kooxda ka soo horjeeda dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga waxa muuqata in ay gar leeyihiin mar haddii Xeer Hosaadkii Xisbiga aanu arrinkani ku cadeyn sida loo maamulayo iyo awooda maamuleysaba.
Haddaba adigoo tixraacaya Axdiga Xisbiga si qoto dheerna u darsaayaa, gar qaad oo eex ka fogow.












You must be logged in to post a comment.