Somaliland: W. Caafimadka oo Weli COVID-19 Kharash ku Bixisa Xumadana Ogeyn

Somaliland: W. Caafimadka oo Weli COVID-19 Kharash ku Bixisa Xumadana Ogeyn

Wasaaradda Caafimadka oo weli kharash balaadhan ku bixisa qalabka & dawo-badhista COVID-19

Waxqabadka iyo waxyeeladda dawladda Somaliland iyo masuuliyiinteedaba waa in dibadda la soo dhigaa si dadweynuhu bogaadinta iyo dhaleecaynta halkii muteysatey mid walba u gaadhsiiyaan.

Sida ka muuqata foogar dawladdeed ay gacanta ku dhigtey bogga “Somaliland Chronicle”, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay ku bixisay lacag dhan ku dhawaad nus malyuun doolar (US$422,000) sabalaayga iyo dawo-baadhista loo adeegsado Covid-19, iyo qaab kaydiya xogta bukaanka oo ay ku jiraan hab cusub oo mobiladda ah iyo mid baasaabooradda akhriya.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa lacag dhan US$193,589.65 ku iibsatey 20,000 oo warqadood oo ah kuwo ay adag tahay in laga beenabuuro, hab moobayl ah oo loogu talogalay keydinta tallaalka COVID-19, hab akhriya baasaboorka, iyo agabka kala duwan ee tignoolajiyada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Halka ay Somaliland sii waddo inay si weyn u maalgeliso oo ay xitaa dhisto goobo cusub oo maamula shuruudaha COVID-19 ee baadhista PCR ee musaafiriinta, waddamo badan oo gobolka ah iyo adduunkaba ayaa meesha ka saaray shuruudahaas in aan lagu xidhin musaafiriinta. Hadda, dadka socotada ah kama dhoofi karaan madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyaga oo aan haysan shahaado tusaeysa inaaney qabin COVID-19 PCR oo ay bixisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Hargeysa Group Hospital taasoo  ku kacda US$45 qofkiiba.

Wasaaradda Horumarinta Caafimadku tafaasiil kamey bixin sabata ay ugu baahan tahay qalab akhriya Baasaboorka (passport readers) iyo waraaqaha ay adag tahay in laga beenabuuro ee lagu daabaco shahaadadda baadhintaanka COVID-19 oo ay ku kharash gareeyaan in ka badan US$90,000. Sidoo kale wasaaraddu mey sheegin in talaabooyinkan dheeriga ee kharashkani ku baxay ay gufeynayaan goldaloolo ka muuqday nidaamkii hore u dhisnaa. Iyada lafteeda waxaa isweydiin mudan in qalabka akhriya baasabooradda la geynaayo madaaradda waaweyn ee dalka mey caddeyn.

Lacagtaas dhan US$193,590.65 ee kor ku xusan ee wasaaradda caafimaadku ku kharashgareysay siday sheegeen bishii Oktober, ayaa haddana waxay ku kharash gareeyeen lacag kale oo dhan rubuc milyan (US$228,520.27) oo dheeraad ah dawo-baadhista COVID-19 (reagents) iyo waxay ugu yeedheen “Shaybaadh Caafimaadka Casriga” bishii Agoosto 2022.

Halkan ka akhriso iyadoo afka Ingiriisiga ku qoran qoraal ku saabsan Shaybaarkan oo cinwaankiisa loo dhigay siday: “Musuq-maasuqa Abaabulan: Siday Masuuliyiinta la Magacaabey iyo Shaqaaluhu u Xadayaan Dawladda iyagoo Adeegsanaya Shirkadahooda Gaarka loo leeyahay”

 

Waxaanu hore idiinku soo bandhigney in Shaybaadhka Caafimaad ee Casriga ahi uu iibiyey dawo-baadhista Covid-19 (reagents) qiimaheedu dhammaa US$766,369.69 mudadii u dhaxaysay bishii Maarij 2021 ilaa ilaa bishii juun 2022. Hadaba shaybaarkan waxaa maamula Mudane Cabdiraxmaan Xasan Diiriye – oo haya xil madaxwaynuhu magacaabo oo ah wakiilka Somaliland u matala shirkada DP World ee Berbera – uuna hayey xilkan ilaa madaxweynihii hore ee Axmed Maxamuud Siillaanyo.

BIOSOM – oo ah shirkad kale oo ka iibin jirtay Wasaaradda Caafimaadka dawo-baadhista COVID-19 (reagents) – ayaan wax ganacsi ah la yeelan Wasaaradda tan iyo markii aan warbixintan ka soo gudbinay mowduuca.

Haddaba, BIOSOM waxa iska leh oo maamula shaqaale dawladeed oo ka shaqeeya xarunta baadhista COVID-19 ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Shaqaalahan ayaa waxaa ka mida ku xigeenka madaxa xarunta baadhista – Xasan Maxamed Cabdi – iyo Maxamed Axmed Xergeeye oo ay walaalo yihiin agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka – Maxamed Cabdi Xergeeye.

Arrintani waxay xadgudub ku tahay “Xeerka Shaqaalaha Dawladda Xeer-Lr.-97-2022” Qodobkiisa 8aad oo qeexaya waxyaabaha ka reebban shaqaalaha dawladda. Faraca 1 xarafka J ee qodobkan ayaa odhanaya:

“Qof kasta oo dhaqaale dawladeed ah waxa ka reebban in uu ku lug yeesho fulinta hawlo-shaqo oo ay dhici karto in ay keenaan is-diidooyin daneed (conflict of interest) oo la xidhiidha gudashada waajibaadka shaqo ee sarkaalka isagoo isticmaalaya awoodiisa sarkaalnimo”

Gacan furnaanta ay Wasaaradda Caafimaadka u leedahay kharashka ku baxa COVID-19 ayaa ah mid aad uga duwan dadaal la’aanta ka muuqata la dagaalanka xumadda Denji (Dengue Fever) ee Somaliland ku habsatay dhawrkii bilood ee u dambeeyay. Ilaa hadda, diiwaan maaliyadeedyadda wasaaraddu ma muujinayaan wax kharash ah oo ku baxay xumadda Denji.

Dadaalkii ay u gashay bogga “Somaliland Chronicle” inay la xidhiidho Wasiirka Caafimaadka – Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafadhi, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, – Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, iyo Agaasimaha Guud – Mudane Maxamed Axmed Xergeeye, si ay  wax uga weydiiyaan kharashka wasaaradu ku isticmaashay xumadan Denji marka la barbar dhigo kii COVID-19 guul daro ayuu ku dhammaadeen

Qoraalkan oo ku qoran Af Ingirisi halkan ka akhri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *