Waa Kuma Hogaamiye

Waa Kuma Hogaamiye

Si kooban haddii loo dhigo “Hogaamiye”: waa  Hagaajiye, Lawadaage, Bare, Isticmaale, iyo barte

Hogaamintu marka u horeysa waa masuuliyad umadeed oo u baahan in si xilkasnimo iyo amaano ay ku jirto loo maamulo ama maareyo. Waxaa kale oo aad u muhiimsan xafidaada amanaadasi. Sidaas daraadeed, ayaa culumada islaamku dhammaantood isku wada raacsan yihiin in hogamiyaha lagu xusho caalimnimo (diinta iyo fiqigaba yaqaana), amaano, xirfad, iyo aqoon hoganimo. Marka intaas aassaassiga ah ee culumadeenu ku qiimeyso hogaamiyaha laga yimaado, qofka hogaan umadeed Allah SWT u calfo, waxa uu noqonayaa barte (learner) marwalba aqoon iyo khibrad korodhsanaaya, isticmaale (user) ama ku dhaqme ku dhaqma wuxuu barto ama korodhsado, hagaajiye (Improver) kolba kobiciya oo dheelitira wixii hoos u dhacah ee ku yimada nidaamka iyo heshiska bulsho (dastuurka), waxaa kale oo u yahay la wadaage (contributor) dadka la wadaaga aqoonti iyo khibradii uga korodhay intii uu xilka hayey isagoo kusoo bandhiga buug dhaxal reeb ah si jiilka dambe ee hogaanka qabtaa ay uga faa’idaystaan, ugu dambayna wuxuu ku dambeeya inuu noqdo bare (educator) jaamacadaha dalkiisa wax ka bara culuumta siyaasada iyo hogaanka.

Hadaba dhaqanka Somalida wuu ku yar yahay hogaamiye isagu is xilqaama oo noqda bare iyo la wadaage markuu xilka ka dago. Waxaa laga yaaba in aynu aragno hogaamiye ah barte, isticmaale, iyo hagaajiye. Labada hogaamiye ee kala ah Amb. Hussein Ali Ducale (Awil) – Somaliland iyo Madaxwayne Abdillahi Yusuf Ahmed – Somaliya ayaan arkay inay yihiin kuwa buugag dhaxal reeb ah inoga tagay. Buugagtooda waxa ku qoran taarikh, dhacdooyin, khibrad gaar u ah iyaga, waxayaalo ay la kulmeen, qaraaradi ay ka qaaten, iyo talooyin iyo soojideno muhiim ah. Way jiraan buugag tiro badan oo laga qoray madaxwayneyaal hore oo Somaliyeed sida President Mohammed Haji Ibrahim ( Egal) – Somaliland iyo President Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) – Somaliland, laakin maaha wax iyagu gacantooda ay ku qoreen oo xog muhiim ah xambaarsan.

Waxaa kale oo jiray buug uu qoray wasiir Hersi Haji Ali – Somaliland oo isagu aan taarikh badan iyo khibrad laga fa’idaysan karo anay ku badnayn. Laakin runtii wuu ku dhiiraday Hersi inuu dhaxal reeb inala wadaago inkastoo uu wali u dah’yaryahay siyaasada.

Hogaamiyuhu intuu xilka hayo ayey ku qurux badan tahay inu kaydiyo khibradiisa oo uu samaysto buug yar ( journal book) uu marwalba ku qoro xaaladaha guusha uu ka gaadhay, kuwa uu ku guul daraystay, khibradii u ka kordhsaday, iyo waliba siduu ula tacaalay. Raadraac (Reference) ayay u noqonaysa jornaal buuga waxa ugu qorani markuu go’aansado inuu buug qoro.

Madaxwayne Saciid Cabdillahi Deni – Puntland ( Somalia) ayaa maanta qudbad dheer oo xasaasi ah jeediyay. Qudbadiisa waxaad moodeysay inuu soo xiganayo journal book u qornaa oo kolba ku qorayey dhacdaadii iyo qaraaradii uu qaatay. Wuxuu aad uga waramay siro badan oo faa’ido u ah bulshada Somaliya oo u baahnayd inay dadku ogaadeen oo badbaado u noqon karta khilafka siyaasadeed ee hadheeyay dalkaasi. Waxaynu sugaynaa buuga madaxweyne Saciid Cabdillahi Deni haddii Allah SWT nafta inoo daayo. Waxaan ka rajaynayaa inuu sidii madaxweyne Abdillahi Yusuf iyo Amb. Cawil taarikh, khibrad, iyo soojino inala wadagi doono.

Zaki Maki
Minneapolis, Minnesotta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *