Gudomiyihii Xisbigii NUF: Marxuun Axmed Xasan Ibrahim (1904-1980)
Axmed Xasan waxa lagu qiyaasaa inuu dhashay 1904. Waxa uu ku dhashay agagaarka miyiga Hargeysa, oo aan magaalo ahayn xilligaas. Sida uu qiyaasayo Cumar Axmed Xasan waxay qoyskoodu degi jireen inta u dhaxaysa Wadda-Bariis ilaa Buurta Almis. Waxay ahaayeen qoys geela dhaqda oo sida la sheegay Xasan Ibraahin oo ahaa aabbihii ayaa geela aad u jeclaa. Axmed Xasan waxa uu dhigtay qur’aanka oo sidii carruurta Soomaalida loogu bilaabi jiray malcaamadda ayuu sidaa ku bartay Quraanka. Waxa kale oo yaraantiisii u fududaatay inuu barto Afka Carabiga. Ku hadalka Afka Carabiga iyo sida uu u bartay Cumar Axmed Xasan oo ka warramaya waxa uu yidhi:
"Aabbahay Af Carabiga isagoo yar ayuu bartay, oo xilligii malcaamadda ayuu si fiican u bartay. Waxaan u malaynayaa in Sheekhii Qur’aanka u dhigi jirey uu Afka Carabiga aad u yaqaannay. Reerguuraaga macallinka Qur’aanku wuu la guuri jirey oo hadba halka ay degaan ayuu u raaci jirey. Carruurtu iyaga oo xoolihii raacaya ayey haddana looxooda sidan jireen oo Qur’aanka sidaasay ku baran jireen.” (Cumar Axmed Xasan 2020)
Bidix: Biixi Fooley, dhexda Maykal, midig Axmed Xasan (labada isgacan qaadaya)
Waa markii Suldaan Biixi Fooley iyo Maykal Maryano ka soo noqdeen Maraykanka
Axmed Xasan Ibraahin (IHN) waxa uu go’aansaday inuu Markab raaco oo uu dibadaha u dhoofo, isagoo aad u da’ yar. Berigaa waxa caan ahaa rag siimaano ahaa oo kolka ay soo noqdaan lacag la iman jiray dalka. Sidaas oo kale inuu isaguna soo shaqaysto oo meeshaa lacagta lagala imanaayo uu tago ayuu goostay. Iskama uu baxsan ee waxa uu qorshahaa u soo bandhigay aabbihii oo uu ku yidhi:
“waan shaqo tegayaaye baasaboor ii samee oo xoolaha dhawr neef ii iibi”. Aabihii waxa uu jeclaa inuu miyiga la joogo oo uu xoolaha oo geel u badnaa la ilaaliyo, sidaa awgeed wuu ka diidey codsigaa. Axmed Xasan wuxuu ku adkaystay inuu ka tago miyigii oo uu dhoofo. Dhul jiq ah oo kayn badan oo Libaax, Shabeel iyo dugaag kaleba ka buuxo ayuu dhexqaaday, qiyaastii lix iyo toban jir ayuu ahaa. Lugtii waxa uu ku tegey Ereteriya oo uu gaadhay dekedda la yidhaa Musawac. Halkaa ayuu ka raacay Markab. Maraakiibta waxa laga shaqayn jirey inta badan in dhuxusha uu ku shaqeeyo markabku lagu guro. Shaqadaas oo ahayd shaqo adag ayuu ka bilaabay shaqadiisii ugu horreysay, waa xilli ku beegan (1920 – 1922). Wiil yar oo aan cidi la socon oo soo lugeeyey oo markab raacay oo shaqadii ugu adkayd loo diray oo aan baasaboor sidan waa la qiyaasi karaa xaaladda uu ku sugnaa. Markay gaadheen magaalada la yidhaa Jinowa (Genoa) ee dalka Talyaaniga ayaa la ogaaday inaanuu wax sharci ah sidan.
Waana markii uu dhammaaday dagaalkii koowaad ee dunidu, oo dalalka Yurub ay burbursanaayeen. Markabkii halkii ayuu ku dejiyey oo la yidhi kol haddaanaad sharci haysan halkaa ma dhaafi kartid. Nasiib wanaag waxa uu magaaladii ka helay shaqo oo wershad samayn jirtey quraaradaha ayuu shaqo ka helay. Wershadda waxa lahaa nin talyaani ah. Shaqada wershadda waxaa u dheerayd inuu isla wershadda ka noqday ilaaliye (Waashmaan), isagana faa’iido u ahayd oo uu seexan jiray. Halkaa waxa uu joogay ilaa dhawr sannadood oo uu si fiican u bartay Af Talyaaniga. Isaga oo halkaa jooga ayaa waxa uu la kulmay rag badmareenno ah oo ay isku reer yihiin oo garanaya aabihii.
Iswaraysi dabadeed, waxay u sheegeen in dhulkii (Somaliland Protectorate) abaar xumi ka dhacday oo aabbihiina caydhoobay oo xoolihii ka baxeen. Waxay ku yidhaahdeen haddii aad waxtari karto aabbahaa maanta wuu kuu baahanyahay.
"Waxoogaa mushaharkii uu dhawrkaa sannadood urursaday oo ahayd lacagtii liiraha ee talyaaniga ayuu u dhiibay nimankii. Lacgta rubaabiga ee Hindiya laga isticmaali jiray iyo Liiraha iyo lacag kasta dalkeenna waa lagu isticmaali jiray oo dee waa la isku beddeli jiray. Nimankii wuxuu ku yidhi marka lacagtaa u geysaan aabbo ha ii sameeyo baasaboor Ingiriis sawirkaana u geeya si uu baasaboorka iigu dhejiyo. Nimankii lacagtii way gaadhsiiyeen aabihii, baasaboorkiina waa loo sameeyey, waxayse ku qaadatay in loo keeno baasaboorkaas muddo ka badan sannad” (Cumar Axmed Xasan, USA 2020)
Markii loo keenay baasaboorkii ayuu si xor ah u raacay Markab adduunkoo dhan ku soo wareegi jiray oo xataa Saybeeriya (Ruushka) oo aan cidi tegi jirin ayuu tegey. Waxa uu noqday nin badmareen ah oo adduunka ku wareega. Maadaama oo uu si fiican u soo bartay Qur’aanka intii uu yaraa, waxa loo yaqaannay Aw Axmed oo badmareennadii Soomaaliyeed ee ay kulmi jireen ayaa sidaa ugu yeedhi jiray. Waxa uu ahaa nin ku dhaqma diinta oo Salaadda tukada, Qur’aanka akhrista oo had iyo jeer aan laga waayin Kitaabka Qur’aanka oo gal ugu jiri jirey. Taasi waxay muujinaysaa sida uu u ahaa nin aan dhaqan iyo diin midna ka tegin isagoo dhallinyaro ah oo dhexjooga dad kala diimo ah. Waxa kale oo uu bilaabay in uu cilmiga maaddiga ah barto. Waxa uu bilaabay hab waxbarasho oo uu ka bilaabay dalka Ingiriiska oo kolba marka uu markabka ka soo dego ayuu waxbarashadiisa sii wadan jirey. Dhawr sannadood bay ku qaadatay inuu sidaa wax ku barto oo marmarka qaar imtixaanaadka waxa loogu soo diri jirey boosta. Intii uu qaabkaa wax ku baranayey waxa uu dhammaystay dugsi sare.
“Inkasta oo aanan arag shahaado uu ka qaatay dugsiga sare, sida uu aabbo nooga sheekeeyey dugsi sare ayuu ku dhammaystay habka korasbandhanis (correspondence). Qofka dugsi sare xilligaa dhammeeyey innaga dadkeenna waxa uu u ahaa qof digrii sita. Waayo dee maba ay jirin waxbarasho hoose xilligaas.” (Cumar Axmed Xasan USA, 2020)
Dhibaatooyinka inta badan ay badmareennada Soomaalidu la kulmi jireen waxa ka mid ahayd in loo diro shaqo culus iyo marmarka qaar na la af-lagaadeeyo. Dadka Soomaalidu waxay ka iman jireen dhul miyi ah oo ay aad ugu qabweynaayeen, dabadeed kolka ay la kulmaan qof caayaya way ladagaallami jireen. Axmed Xasan Ibraahin oo shaqadiisii maalinlaha ahayd ku jira ayaa nin ka mid ahaa madaxdii Injineerada Markabku uu af-lagaadeeyey oo si xun ula hadlay. Axmed ninkii wuu la dagaallamay, oo dhaawac weyn gaadhsiiyey. Dagaalkaas awgeed ayaa la xidhay oo maxkamad la saaray markii Markabkii uu berriga yimi ee carriga Ingiriiska. Markabka waxa la socday dad Soomaali ah oo markhaatigii u furay in laga gar darnaa. Waxa kale oo markhaatiga u furay kabtankii markabka.
Sidaasaa lagu sii daayey. Waxa uu ku xidhnaa carriga Ingiriiska ilaa saddex bilood, markii la soo daayey ayaa lagu yidhi, ninkii aad la dagaallantay dhaawicii ayuu u dhintay, dadkiisii ayaa meel kasta jooga ee shaqo kale doono waayo way ku eeganayaane. Waxa uu go’aansaday inuu dalkii hooyo ku noqdo oo uu ka soo maqnaa sannado badan oo qiyaas ahaan noqon karta (18-20). Sidaas ayuu ku soo noqday Berbera iyo dalkii hooyo.
Magaalada Berbera waxa uu ka furay Makhaayad wax laga cuno. Ganacsigaas ayaa u noqday mid uu ka soo saarto noloshiisa. Xilligaa uu Berbera ku soo noqday waa waxyar ka hor intaan dagaalkii labaad dhicin. Isaga oo Makhaayaddii haysta ayaa dagaalkii dhexmaray Talyaanigii iyo Ingiriisku dhacay (1940-1941). Dagaalkaas ayaa saamayn weyn ku yeeshay dad badan oo reer Berbera ahaa. Axmed waxa uu ka mid ahaa dadkii u soo wareegay Hargeysa dagaalkaa ka dib. Waxa uu shaqo ka bilaabay (Public Work Department) (PWD), kolkii Ingiriisku dib u soo noqday 1941. Waxa uu halkaa ka shaqaynayey muddo aan ka badnayn sannad. Halkaa intii uu ka shaqaynayey ayaa khilaaf dhexmaray badhasaabkii Somaliland Protectorate.
Cumar Axmed Xasan oo ka warramaya ayaa yidhi:
“PWD waxa uu aabbahay maamule uga ahaa Gaas stayshan (Gas Station). Dhawr jeer ayaa waxa u yimi badhasaabkii Hargeysa oo ku yidhi iigu shub shidaal. Markasta oo uu ugu shubo waxa uu weydiiyaa sida uu u bixinayo, badhasaabku waxa uu yidhaahdaa igu qor. Aabbahay (IHN) kolkii uu in badan ku qoray ee xisaabtii farabadatay ayuu biil ku dallacay si uu u soo bixiyo. Ninkii ingiriis waa buu xanaaqay sidee la ii weydiiyaa. Aabbo nin adduunyo soo maray buu ahaa kamana baqayn ninka ingiriis ee maxkamad ayuu la galay. Xaakimkii maxkamadda ayaa yidhi:” dee waa lagugu leeyahay lacagtaas ee iska bixi!” Lacagta uu ku soo dallacay may ahayn tii uu hawsha dawladda ugu hayey ee aabbo waxa uu kala saaray wixii uu gaar u isticmaalay iyo wixii hawsha dawladda ku baxaysay.”
Axmed Xasan Ibraahin goobtii maxkamadda ayuu ka yidhi” Saraakiisha ingiriisku ma waxay moodayaan inay dalkan siday doonaan ka yeeli karaan.” Ninka uu maxkamadda la galay waa badhasaabkii dalka oo dhan xukumayey. Arrinkaasi waxa uu ku dhaliyey dad badan oo ahaa dadweynihii reer Hargeysa dareen waddaninimo. Shaqadiina sidaasuu kaga tegey oo waxa uu furtay farmasi uu isagu gaar u leeyahay. Waa hubaal in ay dhacdadaasi dad badan ku noqotay yaab iyo amankaag. Sababtoo ahayd, in aan qof dawladda u shaqeeyaa ka hor iman jirin amarka saraakiisha Ingiriiska ayaa caadi ahayd. Waxa kaloo yaab ku noqotay dadkii in maxkamaddii ku xukuntay ninkii ingiriiska ahaa in uu lacagtii bixiyo oo haddii uu bixin waayo laga saarayo dalka.
Halkaa ayey ka bilaabantay halgankii uu la galay maamulkii Ingiriiska. Waxaanuu ka bilaabay in uu marka hore xor ka ahaado maamulka ingiriiska oo uu shaqadii uu u hayey sidaa kaga tegey. Farmasiga uu furtay waxa uu ahaa caan oo waxa uu ka soo horjeeday Rugtii buugaagta ee caanka ahayd ee (Samater’s Book Shop) Hargeysa. Waxa uu farmasigaasi ku caan baxay inuu ahaa kii ugu horreeyey ee Somaliland laga furo. Dawada waxa uu ka keeni jiray ilaa dalal badan oo Ingiriisku ka mid ahaa.
Xilli ku beegan (1954 – 1955) ayaa shirar laga bilaabay magaalada Hargeysa. Shirarkaas oo ahaa kuwo lagu abaabulayey in la iska caabbiyo nidaamkii Ingiriiska oo xilligaa ku tallaabsaday arrin dadka ku noqotay yaab iyo u qaadan waa! Waa markii la ogaaday in uu Ingiriisku ku wareejinayey Xabashida boqorkeedii Xayle Salaase dalkii Soomaaliyeed ee loo yaqaannay Reserved Area iyo Hawd.
Kulankii ka dhacay Dooxa Hargeysa soo noqoshadii wefdigii loo diray Ingiriiska 1955. Waxay ahayd maalin aan maanka dadkii goobjoogga ahaa ka bixin. Waxa halkaa isugu yimi dadweynihii Reer Hargeysa oo aan u kala hadhin. Dareenka dadku ka sinnaayeen waxay ahayd in lagu guulaysan doono soo celinta dhulka Soomaalida ee Itoobiya loo gacangeliyey. Wefdigaasi waxay ka koobnaayeen afar xubnood oo ilaa dhawr bilood ka maqnaa dalka Maykal Mariano, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Dubbe Caliyare), Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye. Waxa wefdiga ku qaabilay madaarka Hargeysa kolkii ay soo degeen madaxweynihii Xisbiga National United Front (NUF) Mudane; Axmed Xasan Ibraahin iyo dadweyne lagu qiyaasay 2000 oo qof.
Qoraalkan korka ka muuqda oo ku soo baxay wargeyskii caanka ahaa ee War Somali Sidihi oo ka soo bixi jirey Hargeysa xilligaa. Waxa ku cad in halkaa ay maalintii labaad kula hadleen wefdigu dadweynihii reer Hargeysa oo ay uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen dawladdii Ingiriiska. Waxa fiiro gaar ah mudan tiradii lagu qiyaasay inay dooxa isugu yimaaddeen oo ahayd in ka badan 10,000 oo qof. Xilligaa dadka Hargeysa deggenaa may badnayn, sidaa awgeed waxa aad qiyaasi kartaa in aan magaalada cidiba ku hadhin.
Beryahaas ayey samada isku shareertay taageerada (NUF) oo Xisbigii SNL oo muddo dheer jirey ayey kaga hormareen taageero ballaadhan oo dadweynuhu siiyey. Dabcan waxa taageeradaa u soo hooyey garnaqsigii Maykal Mariano oo ahaa nin fahamsanaa xeerarkii ay dawladda Ingiriisku ku dhaqmaysay.
Waxa ay go’aansadeen xubnihii NUF oo haystey taageerada dadweynihii xilligaa intooda badan, inay wefdi kale diraan oo ay dacwadda gaadhsiiyaan meel dhaafsiisan dawladda Ingiriiska. Taasoo ahayd in la tago Qaramada Midoobay oo Maraykanka la tago.
Waxa loo baahday dhaqaale, oo dadka hayntoodu may badnayn, balse itaalkooda waxay iibiyeen xoolo farabadan si wefdiga loo dirayo loogu taageero. Waxa la diray Maykal Mariano iyo Suldaan Biixi Fooley oo ahaa Suldaan Ogaadeen /Reer Isaaq. Xisbigii NUF waxa uu bilaabay qorshe siyaasadeed oo lagula xisaabtamayo dawladdii Ingiriiska. Waxa la garwaaqsaday haddii Ingiriisku iska tago aan dib loo arkayn dalkii uu bixiyey. Sidaa awgeed aanuu kicin ingiriisku inta dhulkaa la soo celinayo, isla markaana dalka loo samaynayo miisaaniyad ay dawladdu ku hawlgasho.
Madaxweyne Axmed Xasan Ibraahin waxa uu magaciisu kor u kacay xilligaas. Waxa uu wefdi ku soo maray dalka oo dhan. Waxa uu guubaabo iyo gobonnimo doonnimo kaga qudbadayn jiray goobaha lagu kulmo. Waxa uu noqday muddo yar oo kooban gudaheed Siyaasi, Halgamaa iyo Hoggaamiye caan ka ah dhulka Soomaaliland ilaa Somaligalbeed. Waxa uu noqday nin aan u baahnayn dhaqaalaha Ingiriiska oo ah nin isku filan oo ganacsi fiican ku haystay Hargeysa. Waxa uu ahaa nin soo maray dunida inteeda badan Aasiya, Yurub, Ustareeliya iyo Qaaradaha Maraykanka (Koonfur iyo Waqooyi) labadaba. Waxa uu ahaa nin ku hadla dhawr Af, gaar ahaan afafka uu si fiican ugu hadli jirey waxa ka mid ahaa Ingiriisi, Carabi iyo Talyaani, taasoo u fududaynaysay hab-maamulka Xisbiga iyo qoraallada Siyaasadeed ee Xisbigu diyaarsan jirey.
Sidee Loogu Doortay Axmed Xasan Ibraahin Guddoomiyenimada?
Sida aynu hore u tilmaannay Xisbiga (NUF) waxa sabab u ahayd aasaaskiisa, markii la bixiyey deegaanka Soomaalida ee Ingiriisku siiyey Itoobiya. Kacdoonkaas ayaa waxa la isugu yimi Dooxa Hargeysa oo lagu aasaasay Xisbiga. Inkasta oo uu Maykal Mariano ahaa ninka xagga xeerarka iyo dawladda Ingiriiska aad u fahansanaa, waxa laga eegay dhanka diinta. Waxa loo arkayey haddii Madaxweynaha Xisbiga laga dhigo Maykal Mariano aanuu helayn taageero badan maaddaama oo aanuu ahayn nin Muslin ah. Axmed Xasan waxa loogu doortay:
- In uu ahaa nin maamulkii Ingiriiska aan gacanta ugu jirin oo isagu gaarkiisa u shaqaysta, horena uga hor yimi hab-dhaqankii saraakiishii Ingiriiska.
- In uu ahaa nin Dusgi ka soo baxay, oo kuna hadli jiray afaf dhawr ah.
- In uu ahaa nin xagga diinta aad u yaqaannay oo ilaa yaraantiisii lagu magacaabi jirey Aw Axmed.
Arrimahaas ayaa ka mid ahaa in Madaxweynaha Xisbiga loo doorto. Taageeradaa heerka sare ahayd muddo yar ka dib way isbeddeshay. Maxaa bedelay? Dedaalkii xoogganaa ee Maykal Mariano waxa qariyey dadka Soomaalida oo ah dad diintooda aad ugu dheggan. Waxay shaki ka muujiyeen Maykal oo ahaa nin Soomaali ah, laakiin kiristaan ahaa. Waxa lagu furay Xisbigii NUF dacaayado ay ka mid ahayd in ay rabaan in Ingiriisku sii joogo. Taageerayaashii Xisbiga NUF waxay sameeyeen heeso guubaabo ah oo ay ka mid ahayd:
“Maykal waa kiristaan, macno kuuma lahee, Axmed baa Muslinee raaca yaa waddanii”
Taasoo ay uga jeedeen haddii uu Maykal Kiristaan yahay, wax macno ah ma laha e’ soo Raaca Xisbiga Axmed Xasan ba waa nin Muslina’e. Laakiin xaqiiqadii waxay noqotay in loo wareegay Xisbigii SNL oo muddo dheer fadhiid ahaa. Taageera la’aantii soo wajahday Xisbiga waxa ay si cad u muuqatay kolkii doorashadii feberweri 1960 ay dhacday oo Axmed Xasan Ibraahin uu ku waayey tiro yar.
Dhammaan intii u sharraxnayd NUF waxay ku waayeen tiro yar. Kursiga keli ah ee u soo baxay NUF waxa uu noqday Maykal Mariano oo ka soo baxay Ceel Afweyn. Waxa ay dadka qaar ku tilmaamaan in NUF xubnihii sarsare ay u badnaayeen dad waaya-arag ah oo la jaanqaadi karayey xidhiidhka caalamiga ah ee dunidu berigaa ku sugnayd. Waxa kale oo la sheegaa in ay halkaa ku dhimatay rejadii soo celintii dhulkii Soomaalida ee loo gacangeliyey Itoobiya. Dedaalkii NUF ee soo celinta dhulkii Hawd iyo Reserved Area waxa uu bilawgii gaadhay maxkamadaha adduunka. Waxaana lagu xidhay inay kharashka maxkamadda iska bixiyaan. Waxa ay dacwaddooda gaadhsiiyeen dalal badan oo Carbeed iyo dalal kaleba.
Warbixinta kor ku xusan waxay wakaaladda wararka ee Reuters ay ka warramaysaa waraysi ay ka qaadday Michael Mariano. Waxa uu si qeexan uga warramay dhulka lagu wareejiyey Itoobiya oo dhan 25, 000 oo Mayl oo laba jibbaaran. Waxa uu tilmaamayaa dedaalka dadka reermiyiga ah ee deegaanka
Somaliland Protecorate ugu jiraan soo celinta dhulkaas. Waxa uu sheegayaa in lacag dhan 17, 500 oo doollarka maraykanka ah ay kaga baxday hawshaas intii ay hawsha ku jireen. In dadkaasi xoolahoodii soo iibiyeen. Haddii ay u qalab qaadanayaan dacwad furashada maxkamadda adduunka ee Heeg Hauge/Holland) inay u baahanayaan lacag dhan 85, 000 oo doolarka maraykan ah.
Laga soo bilaabo maalintii la ogaaday in Ingiriisku dhulkii Soomaalida ku wareejiyey Itoobiya waxay Xisbigii NUF ku jireen dagaal afeed oo ay dunida u soo bandhigayeen. Xubnihii xisbiga National Unated Front (NUF) waxay u badnaayeen dad ganacsato ah oo maalaqabeenno ahaa. Sidaa daraadeed wax badan waxay ku bixiyeen halgankii loo galay soo celintii dhulka Soomaalida ee Hawd iyo Reserved Area. Taageeradii loo hayey NUF waxa mar keliya ay u wareegtay dhinaca xisbigii SNL oo la yimi dedaal kale oo ahaa israac aan shuruudi ku xidhnayn oo la la galo Soomaaliya. Dedaalka SNL waxa uu salka ku hayey in dhulkaa laga qaaday Soomaalida lagu soo celin karo xoog ee aan hadal loo baahnayn.
Xubnaha sawirka ka muuqda waa xubnihii ugu sarreeyey bilawgii NUF. Waxaanay ka mid ahaayeen golihii dhexe ee Xisbiga. Laakiin markii danbe ee taageeradii heerka sare ahayd hoos u sii dhacaysay waxa ka baxay xubno dhawr ah oo uu ka mid ahaa Xaaji Yuusuf Iimaan oo ku biiray Xisbigii SNL oo uu kursigiisii ku guulaystay magaalada Berbera doorashadii feberweri 1960. Sidaa ayuu Yuusuf Iimaan kaga mid noqday baarlamaankii 33ka xubnood ahaa ee Somaliland. Axmed Xasan Ibraahin waxa uu ahaa guddoomiyihii xisbiga NUF, Maykal Mariano waxa uu ahaa guddoomiye ku xigeen, Suldaan rashiid Suldaan Cabdillaahi oo ahaa nin aqoon sare ku soo qaatay dalka Masar waxa uu ahaa Xoghayaha Xisbiga.
Markii ay wefdigii ay direen xisbigii NUF ee uu hoggaaminayey Maykal Mariano tegeen Ingiriiska ilaa Maraykanka. Dawladda Ingiriisku waxay ku dhawaaqday in Somaliland ay xornimadeeda siin doonto, laakiin maalin lama sheegin. Arrinkaasi waxa uu noqday mid aad loogu farxay, oo ay wefdigii la soo noqdeen, laakiin waxa uu gawracay raadintii dhulkii Soomaaliyeed ee Hawd iyo Reserved Area. Waana marka ay Xisbigii NUF bilaabeen inay la doodaan Ingiriiska oo aanuu dalka ka bixin ee kolka hore la diyaariyo hab-maamul miisaaniyad leh, dalkiina lagu soo celiyo gacmaha Soomaalida. Intaa wixii ka danbeeyey waxa taageeradii iyo halgankii hoggaamiyey Xisbigii SNL. Waxaana guddoomiye loo doortay SNL xilliyadaa Xaaji Cumar Askar. Waxa dacaayad lagu furay NUF oo loo arkayey inay jeclaysanayaan sii joogista Ingiriiska.
Dhalashadii Jamhuuriyaddii Soomaalida
Axmed Xasan Ibraahin, sannadkii 1964 waxa uu noqday oo loo doortay ku xigeenka Maayarka magaalada Hargeysa. Dawladdii Maxamed Ibraahin Cigaal ee uu ee madaxweynaha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa looga yeedhay Xamar 1967 oo loo magacaabay xafiis cusbaa oo loo bixiyey “Xafiiska La Dagaallanka Musuqa”. Waxa guddoomiye looga dhigay Axmed Xasan
Ibraahin waxaana ku xigeen looga dhigay Cabdiraxmaan Dubbe Caliyare11. Xafiiskaa waxa ka hawlgeli jiray rag nabadsugidda qaabilsanaa oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cali (Baranbaro). Markii afgenbiga ay sameeyeen millaterigu waxay markiiba albaabada u laabeen oo xidheen xafiiskii uu Axmed Xasan madaxda ka ahaa. Waxa uu Axmed ku noqday Hargeysa ilaa 1980 oo uu ku geeriyooday. Intii uu Hargeysa joogay geeridiisa ka hor waxa uu caafimaad ahaan u tegey Ingiriiska, oo ay kharashkii iyo tigidhkiiba ka bixiyeen Cabdillaahi Oomaar iyo Jirde Xuseen. Halkaa waxa kaaga muuqanaysa in aan dedaalkiisii iyo halgankii toonna wax loogu qaban. Taasoo uu la qabo dad badan oo Soomaaliyeed oo dedaal dheeraad ah oo xoog iyo xoolaba geliyey sidii dadka Soomaalidu horumar u gaadhi lahaayeen oo aan xataa magacooda dib loo xusin.
Qoyska reer Axmed Xasan Ibraahin waxay ka koobnaayeen 7 oo kala ah 3 geeriyooday (Sahra, Maxamed iyo Cali-Jinaax). Waxa nool Siciid oo Somaliland, Hargeysa ku nool, Cumar oo dalka USA ku nool, iyo Hinda oo magaalada Ottawa ee dalka Kanada ku nool, Cismaan oo Toronto, dalka Kanada ku nool. Hooyadood waxay ahayd Aamina Xandulle Hintifaa. Dhammaan intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto. Waxa aan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Cumar Axmed Xasan oo si hagar’la’aan ah iigu soo warceliyey arrimihii aan weydiiyey ee ku saabsanaa aabbihii Axmed Xasan Ibraahin. Waxaa tilmaan mudan Siciid Axmed Xasan oo maanta magacweyn ku leh Somaliland ahna aasaasaha Jaamacadda Golis oo ku taalla dhawr magaalo oo Somaliland ah. Waa halgankii aabbihii oo uu sii nooleeyey gaar ahaan dhanka waxbarashada.
Fiiro Gaara:
“Xog dheeraad ah oo raadraac leh haddii aad hayso, adigoo mahadsan emailka hoosta ku qoran iigu soo dir.”
Qore:
Sayid-Axmed Maxamed Yussuf Dhegey
Stockholm, Sweden
Email: dhegey2013@gmail.com
Taariikh kooban ee Qoraaga
Shaqada Qoraaga xilligan: Turjubaan Af Soomaali iyo Af Iswidhis
Shaqooyinka kale: Qoraa dhameystiray dhawr digaal oo ay ka mid yihiin:
- Somaliland – Xorriyaddii lixdankii iyo xilligii ka horreeyey oo soo baxay 2002
- Socdaalkii Dheeraa ee 1988 oo soo baxay 2007
- Dagaalkii Dhexmaray Jabhaddii SNM iyo Xukuumaddii Maxamed S. Barre
- Afgembigii Dhicisoobay ee Somaliland Scouts 1961, oo soo baxay sandakan 2020
Qoraagu wuxuu Diploma ku qaaetey Makanik sanadkii 1987, Diploma kalena Dhaqaalaha iyo hababka xog-ururinta.