Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17


Madaxtooyada Somaliland oo Qandaraas La’aan & Kharash Badan ku Bixisey Dhiska Taaladdii Mig-17

Xukuumadda Somaliland ayaa ku kharashgareysay lacag dhan US$222,153 dhismaha cusub ee “Taaladda Xasuus Halgan – War Memorial Monument” ee badhtamaha Hargeysa ku taal. Naqshaddan cusub ee taaladda waxaa dhisay kambaniga Dhismaha ee Zak (Zak Construction), iyada oo ka kooban jaranjarooyin, shan tiir oo shuba, diyaaraddii dagaalka MiG-17 oo dusha lsaaran,  iyo beer leh meelo hadheysan oo dadweynaha loogu talogaley

Qaabkan cusub ee taalladan ayaa u muuqda mid dhaqan ahaan ka baxsan wixii ay taaladu u taagneyd, waxaaney baalmarsan tahay inay cadeyn u tahay taariikhdii foosha xumayd ee dhimashada iyo burburku ka soo gaadheen shacbiga Somaliland, iyadoo kor u qaadka diyaaradu muujineyso dareena inay difaacaysey shacabka Somaliland oo markaa la sharfayo.

Naqshada waxaa ka muuqda Ruush jaceyl iyadoo u eg mid miisaaniyad rakhiisa lagu dhisay ee loo yaqaan “ Taaladda Tiirgartan ee Xasuusta Ruushka” – Tiergarten Soviet Memorial –  ee magaaladda Berlin ku taal. Kuwani waa qaar ka mid ah saluuga ay dadweynaha taalladan dhammaan ka muujiyeen.

Taalladan aan weli dhameystirneyn ayaa aad uga duwan muuqaal-dhismeedkii naqshadda la dhigay goobta markii dib-u-dhiska lagu dhawaaqay. Waxaa aad uga yar halka uu MiG-17 oo ku labisan calan cusub oo Soomaaliya ka sameysan ay ka taliyaan qaab-dhismeedkiisa, una soo wajahan yahay jihada qaldan.

In kasta oo culayska miiga (MIG-17) oo keliya oo aan hub saarneyn uu ku dhow yahay 4.3 ton, miigan taaladda ahaa wuu ka maqnaa matoorka noociisu ahaa Klimov VK-1 oo culayskiisu qiyaastii 3 tan yahay, khubaro dhismaha oo arrinkan arkeyna waxay qabaan in shub dhererkaa iyo xoogaa leh aanu u baahneyn culayska miigan taaladda ahi.

 

Su’aalaha dul hoganaya dib-u-dhiska mashruucan taaladda MIG-17 waxaa ka mid ah qiimihii heshiishka dhismaha taalladan oo dhammaa US$132,784 ayaa lakala bixiyey labo jeer oo waafaqsanaa heshiishkii qandaraaska, laakiin US$89,369 kale oo dheeraada ayaa lagu daray iyadoo la leeyahay waa dhameystirka dhismaha.

Tani waxay ka dhigeysaa isugeynta kharashka ku baxay dhismahan lacag dhan US$222,153, ma cadda in heshiish labaad oo xalaaleynaya lacagtan dheeraadka uu jiray iyo in ogolaansho iyo fasax laga helay Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo weliba Wasaaradda Guriyeynta iyo Hawlaha Guud.

Laba khabiir oo dhanka dhismaha ah oo aanu la tashanay markii warbixintan la qoraayey ayaa qiimeyntoodu aad uga dayrisey iyagoo kharashka ku bixilahaa ku qiyaasay US$100,000 – 120,000 wata faa’iido dhan 20% ah o u saaran shirkadda dhismaha. Si loo fahmo aarinkan waxay yidhaahdeen, ka sokow qiimaha shubka ee mitir kuyuub ah, kharashka gacanta iyo ka  farsamada ee mashruucan taaladda miiga ayaa sheegaya in dhisme laba dabaqa oo shan qol-jiif iyo saddex musqulood oo leh deyr ayaa ilaa US$120,000 ah lagu dhisaa.

Sida ku cad xogaha qandaraaska ee uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cali Bile – oo mashaariic badan oo ay xukuumaddu hormuud ka ahayd qayb ka ahaa, ayaa qandaraaska dib-u-dhisidda taaladdan MIG-17 waxaa si toos ah loo siiyey shirkadda Dhismaha Zak iyadoon tartan qandaraas la marin, oo mar dambe mudane Bile uu dib uga dalbaday ansixinta qandaraaskan Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Qandaraaskani maaha kii ugu horeeyey ee bilaa tartan ay Madaxtooyadu, gaar ahaana mudane Bile, ku bixiso si ka baxsan nidaamka Guddida Qandaraasyada Qaranka, ka dibna mar dambe ogolaasho raadiso mar qandaraaska la bixiyey.

Shirkan Dhismaha Zak haba yaraatee ma jiraan wax caddaynaya mashaariic kale oo dhismo ah oo ay hore u  fulisey.

Bixinta qandaraasyada dawladda tartan la’aan ee Xafiiska Madaxtooyadu caadeystey waxay ka hor imaneysaa ballan qaadkii uu Madaxweyne Muse Biixi marar badan ku celceliyey ee ku saabsanaa in si caddaalad iyo daahfurnaan leh loo maamulo nidaamka qandaraasyada qaranka. Khudbaddii uu Madaxweyne Bihi ka jeediyey fadhigii Guurtida iyo Wakiiladda waxa uu yiri:

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in hay’ad kasta oo dowladeed oo u hoggaansami weyda go’aankan laga qaadi doono tallaabo ku habboon”.

Waxaanu la xidhiidhnay Cabdirizaaq Maxamuud Muxumed (Afyare) oo ah mulkiilaha shirkadda Dhismaha ee Zak, anagoo ka codsanay inuu ummadda ka qanciyo qiimaha taalladaasi MIG-17 ku kacdey oo ahaa US$222,153 iyo sida shirkadiisu oo aad mooddo in aaney wax khibradda u lahayn mashaariic dhisme oo waaweyn ay Madaxtooyadu u dooratey tartar la’aan.  Mudane Muxumed oo aan ku faraxsaneyn halka aanu wax ka weydiiney, waxa uu ku andacoodey in ganacsigiisu uu barayfad yahay waxna laga weydiin karin isla markaana dhammaan su’aalaha ku saabsan dhismaha taalladaasi MIG-17 ay tahay in xukuumadda iyo Madaxtooyada la weydiiyo isagoo talo kooban nagu siiyey in magaca boggan loo beddelo Somaliland Wikileaks – oo ujeedadiisu tahay inaanu dadka basaasno- kuna hanjabay in tallaabo sharci ah naga qaadi doono haddii aan soo sheegno isaga amba shirkadiisa.

Sidoo kale, waxa aanu Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Bile kala xidhiidhnay mashruucan taaladda MIG-17, qiimaha uu ku kacay, iyo sababta uu marar badan u hareer maray hannaanka Qandaraasyada Qaranka, isla markaana uu u bixiyo qandaraasyo bilaa tartan. Waxa kale oo aanu wax ka weydiiney sida uu u arko dhaleecaynta dadweynaha ee ku saabsan nashqadaynta taaladdan iyo xaqiiqada hadda jirta. Su’aalaheenna kama uu jawaabin.

Maqaalkan oo Af Ingiriisa ah halkan ka akhriso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *