Maskaxdii Hindistey Abuuritanka Ururka IGAD
Urur goboleedka afar iyo sodon jirsaday ee Afrikada bari ee marka la soo gaabiyo lagu magacaabo IGAD (Intergovernmental Authority for Developments) waxa lagu assaassay magalada Djibouti 1986 kii.
Shirkii seeska iyo bilowga ururka waxa uu qabsoomay isla sanadkaasi iyo caasimada Djibouti. Dalalka bariga iyo geeska Africa ee ugu horayntii lagu assassay waxay ahayeen lix dal oo kaliya waxayna kala ahayeen dalalka Djibouti, Somalia, Ethiopia, Uganda, Kenya, iyo Sudan. Isbedalkii khariiradeed ama giqoraafi ee geeska Africa ka dhacay sodonkii sanadood (1990-2020) ee u dambeeyay wuxu sababay inay dalal cusub oo ay ka mid yihiin Eritrea iyo South Sudan oo ka fircamay dalalka Ethiopia iyo Sudan ay kuso kordhaan urur goboleedka. Tirada guud ee isbahaysiga IGA haatan waa sideed dal.
Waxyaabaha urur goboledka IGAD u qabto waxa ka mid ah shir sanadle ah oo madaxda dalalka ku bahoobay ururkan ay ku kulmaan si looga wada xaajoodo arimaha taagan (current events) iyo xiisada gobolka. Shan arimood oo horimarineed ama u baahan horemarin ayaa tiirar u ah ururka IGAD oo lagusoo koobo; horemarinta nabada iyo amniga gobolka, xal u helida colaadaha iyo abaaraha, horemarinta caafimaadka dadka, horemarinta iyo kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka, iyo iskaashiga hirgalinta mashaariicaha gobolka.
Xarunta guud (headquarter) ee urur goboleedku waxa uu ku yaala caasimada Djibouti ilaa bilowgii assassaska ururka.
Sababta dadku ay sheegaan ee odhanaysa inay Djibouti xarun u noqoto IGAD wuxuu la xidhiidha madaxwaynihi ugu horeeyay ee madaxa IGAD noqda isla markaana shirwaynihi ugu horeeyay 1986 martigaliyay ayaa aha madaxwayne Al-Haji Hassan Gouled Aptidon (AUN) oo hogaaminayay dalka Djibouti 1977-1999. Waxay ku daraan intasi in lagu sharfay Pres. Gouled oo hadiyaad loogo deeqay ay hayd maadama uu dadaal badan ku bixiyay IGAD. Runtii dadku wax tiro badan bay mala awaalan iyagoon raadinin xaqiiqada. Markaan u kuur galay baadhitaan ku aadan hindisihii loo sameeyay ururka IGAD iyo shaqsigii fikirka laha, waxa iiso baxday inuu noqdo nin anan ka filayn laakin aan si uun ugu tirinayay hirgalinta ururkani.
Shaqsigii laha hindisaha iyo fikrada urur goboleedka IGAD wuxu ahaa madaxwaynhihi hore ee dalka Senegal, Pres. Abdou Diouf, oo soo hogaamiyay dalkaasi 1981-2000.
Madaxwayne Diouf waa nin Muslim ah oo dunida Islaamka aad looga tixgaliyo. Pres. Abdou Diouf oo kaalmo ka helaya boqortooyada Saudi Arabia wuxu bilaabay inu dalka Senegal ka hirgaliyo madarasado iyo xarumo lagu barto afka carabiga isagoo rabay in dadkiisa ay u fududaato fahamka diinta Islamka iyo akhrista Quran ka. Wuxu aha nin aragti foog le oo indheer garad ah oo dadaalo badan ku bixiyay inuu Islaamku siyaasad ahan, dhaqaale ahan, iyo cudud ahanba ku yeesho qaarada Africa badankeeda oo ay noqdaan dadka mustaqbalka samayn ku yeesha qaarada. Pres. Diouf wuxu ahaa ruug cadaa siyaasadeed oo dhowr jeer so noqday madaxwaynaha OAU (Organization of African Union) oo imika loo yaqaan AU (African Union). Sanadkii IGAD la sameeyay 1986 kii wuxu aha madaxwaynaha midowga Africa (OAU). Madaxwayne Gouled (AUN) iyo madaxwayne Diouf waxay ahaayeen laba nin oo saaxibo dhow ah oo xidhiidh le. Siduu ku sheegay buugisa (Abdou Diouf – Memoires) Pres. Abdou Diouf, Pres. Gouled saxibnimadii iyo walalnimadii muslimeed ee ka dhaxaysay daraadeed waxa uu u ishaaray in urur goboleed bariga Africa laga hirgaliyo oo waliba ay Djibouti xarun u noqota. President Abdou Diouf wuxuu rabay in dawlad Islaam ah ay hoggamiso IGAD isagoo eegayay Ethiopia iyo sameynteeda ay ku leedahay dalalka Africa oo dhan maadama ay xaruntii OAU ay ku taalo Addis-Abeba. Dhinaca kale wuxu qiimeyay Kenya oo haayadaha calaamiga oo dhan xarun u ah.
Waxaan xasuustaa anigoo yar oo fasalka koobad dhigta 1987 iskuul lagu magacaabo La Pleine oo ku yaala meel u dhow farasmagaalaha caasimada Djibouti ayaa maalin duhur ka hor illa qiyaastii 11 kii subaxnimo dibada ardaydayadii schook ka oo dhan banaanka nalooso saaray. Waxa nala safay wadada halbowlaha ah ee Boulevard De Gaule oo isku xidha garonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport iyo farasmagaalaha caasimada Djibouti. Wadaani waxay hor mari jirtay schook kayaga. Runtii aad ayaan u yara oo dirqi ayaan ku xasustaa dhaacadani. Marki nala safay wadada agagaarkeedi ayay macalimintayadii noo sheegeen in la soo dhawayno madax waynayaal African ah. Muda yar ka bacdi waxa soo maray limosine kii waday president Abdou Diouf isagoo qoorta kala soo baxay si uu dadka u salamaamo. Runtii Pres. Diouf wuxu aha nin aad u dheer oo aha madaxwaynihi dunidaba ugu dheera. Dherer kiiso wuxu aha 6 foot 6 inches. Calanka Djibouti aya naloo qaybiyay dhamantayo oo waxa nalagu yidhi marku waftigu soo maro ruxa calamda oo ku dhawaaqa Bienvenue a Djibouti oo ah kusoo dhawaada Djibouti. Labada madaxwayne ee aan arkay maalintaas waxay ahaayeen Pres. Abdou Diouf iyo Pres. Moi gii Kenya. Abdou Diouf ilaa yarantaydii aad ayaan u jeclaa oo aan u raadraaci jiray isaga iyo dalkiisaba waayo wuxu ahaa hoogaamiye mowqif qoomiyadeed iy mid qaaradeedba le oo ay u dheertahay mowqif diimeed (Islamka). Markii uu mudo hogaamiyay Senegal ilaa sanadadii 1986 iyo wixi ka dambeeyayba wuxu noqday madaxwaynaha ugu saamaynta badan le galbeedka Africa (West Africa) oo dunidu ay wax ka waydiiso gobolkasi. Markii hore gobolka galbeedka Africa waxaa u diigayn jiray madaxwaynaha dalka Cote D’Ivoire oo ahaa bassaas reer galbeed ka u fadhiya Africa. Waa ninkii ka dambeeyay dilkii qorshaysnaa ee hogaamiyii dalka Burkina Faso, Captain Thomas Sankara.
Aragtidayda gaaban waxay ii shegaysa inuu Saudi Arabia ay kula socotay fikirkan maadama ay labada madaxwayne, Gouled iyo Diouf, ba ay saaxiibo dhow ay ahaayee. Saudi gu wuxu ku abaal mariyay Abdou Diouf abaal marinta boqortoyadu ay bixiso sababtuna ay ahayd dhaqdhaqaaq yada Islamiga ah ee uu qaarada ka wado. Waxaynu ogsoonahay caalamka carabta ama khaliijka oo uu hormoodka yahay Saudi Arabia markii ay heleen shidaalka ee ay ka taajireen inay usoo jeesteen sidii looso noolayn laha aragtida iyo qiyamkii dunida Islaamka 1970-1990. Waxuu Saudi Arabia bilowday inay geyiga Soomalida ay add uga guratay dhalinyaro ay ugu deeqeen deeq waxbarashooyin oo diinta, fiqiga, iyo shareecadaba lagu barayay si ay markay dalalkooga ku noqdaan ay uso nooleyan shareecada. Hadaba Saudi Arabia maxaa dan ee ugu jirtay IGAD? Saudi gu wuxu rajaynayay in la helo saamaynta Islaamka ee qaaradwalba. Caalamka Islamka oo dunida mar labaad ka taliya.
Hadaba IGAD iyo hogaankeediba waxa la wareegay Pres. Meles Senawi ga dalka Ethiopia sanadadii 1993-2012 intii u ka dhimanayay. Waxay noqotay mid ka leexatay hadafkii laga lahaa oo ah in dalalka xubinta ka mid ah ururka ee Islamku ay taladeeda iyo hogaankeedaba ay saameyn ku yeeshan. Sidaasi may dhicin lakin waxa dhacay caqsigeeda oo ah inay IGAD noqoto urur goboleed naafa ah oo u adeega agenda ha ethiopia oo kaliya. Xasilooni goboleed iyo amni laga shiro waxa ugu dambaysay 1992 gii. Hadii ay IGAD sadaxda dowladood ee islaamka ah ee Djibouti, Sudan, iyo Somalia gacantadooda ay ku jiri lahayd, Somalia dowlad la’aan kumay dhamaysateen sagaashanadii. Madaxwayne Ismail Omar Ghelleh wuxu isku dayay in badan oo uu dadaalo ku bixiyay in IGAD la tayeeyo oo hogaanka loo qabto. Ilaa imikana kamuu gaabsan dadaaladii u dib ugusoo celinayay IGAD gacantii lahaanlahayd marka horeba.
Imika IGAD waxay u eekatay meel labo labo loo kala saftay. Kenya iyo Uganda waa isku hadaf. Ethiopia iyo Eritrea way wada socdaan. Sudan iyo South Sudan na waa isku hadaf markay noqoto arimhaha gobolka. Somalia iyo Djibouti wali ma cada warkoogu waayo madaxwayne Farmajo (Somalia) wuxu la saftay Ethiopia iyo Eritrea. Djibouti go’doon siyaasadeed oo dahasoon ayaa la galiyay. Madaxwayne Ghelleh waa nin aragti fog le oo meel dheer wax ka eega laftiisu. Waxa laga yaba inu dadaal ku bixiyo inu isbahaysi dowlado islaam ah sida Sudan iyo Somalia ka sameeyo ururka dhexdiisa. Hadi ay u shaqayn waydnada uu soo ciyaarsiyo madaxwayne Muse Bihi iyo Somaliland oo u ku magacaabo darajada goobjoogeyaal IGAD ah. Dood hore ayaa jirtay dowladii Hassan Sheikh ee Somalia oo IGAD ka taagnayd oo la xidhiidha Somaliland in la siiyo darajo goobjoogeyaal AU iyo IGAD lakin way luntay markii uu Farmaajo yimid isagoo ku colaadinaya Somaliland. Waxaad mooda madaxwayne Farmajo inaanu lahayn mowqif qoomiyadded, ama mid Islaam, iyo mid qaaradeedba. Waxa fiicnan lahayd in la fahamsiiyo siyaasada gobolka mustaqbalka lagu tartamayo. Dan uma aha dunina Islamka ah inay Ethiopia hogaamiso AU iyO IGAD iyadoo qaarada African ay ku yaalan 42 dal oo muslim ah.
Madaxda somaliyeed (Djibouti, Somalia, iyo Somaliland) laba shayba oo ah qadiyad iyo huwiyad (Identity) way ka aradan yihin. Hogaamiye aan lahayn qadiyad uu u tagan yahay, dad iyo dal toona meel u uwado lama arko oo dunida isbahaysanaysa la jaanqadi mayo. Waxa kaliya ee uu umad ku maamuli karaa waa arimo hoose sida qabyaalad iyo qaraaabo kiil. Dhinaca kale hogaamiyaha aan lahay huwiyad ama an fahamsanayn ciduu yahay, iyadna waa mashkalad kale oo hoos u dhigi karta hanka iyo himilada umadeed. Madaxwaynaha Somaliga ihi waa inu gartaa inuu yahay marka ugu horeysa Muslim oo qadiyad Islam dunida kula macaamilo asxaabna ku raadiyo. Marka xigta waa inu fahma in uu yahay madow (black) oo qadiyad madow wax ku raadsadaa. Mar sadeexadka waa African oo waa inuu ku qancaa huwiyadiisa oo dalalka Africa xoojiya iskaashi googa. Somalinimo waa siyaasada gobalka bariga Africa iyo geeska marka loo kuur galayo ee wax lagaga dhacsanyo danada qoomiyada Somalidana meel kasta ku nool gobalka lagu ilaalinayo.
Qore:
Zaki Maki
Minneapolis, MN
USA