Michael Rubin oo ku Baaqay in la Joojiya Xaqiraadda Dimuqradiyadda Somaliland

Michael Rubin oo ku Baaqay in la Joojiya Xaqiraadda Dimuqradiyadda Somaliland

Maqaal dheer oo uu maanta ku qoray bogga internatka ee Machadka Afkaarta Maraykanka “American Enterprise Institute” ayuu ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanku inay joojiso yareysiga iyo xaqiraadda ay ka muujisey dimuqraadiyadda qaranka Somaliland iyadoo ka dheregsan wadciga ka jira wadamadda Geeska Afrika.

Maqaalkiisa isagoo tarjuman wuxuu u dhignaa sidatan mar uu ka hadlaayey Itoobiya:

“Ma yara warka xun ee ka imanaya Geeska Afrika marka laga hadlayo dimuqraadiyadda, amniga, iyo xuquuqda aadanaha.

Bishii Nofembar 2020, Raisel wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuu bilaabay dagaal ka dhan ah gobolka waqooyiga ee Tigray. In kastoo lagu sharfay Biladda Nabadda ee Nobal loo yaqaan, hadalkiisii wuxuu ku soo koobay la -dagaalanka argagixisada, haddana caddeymo dhakhso u baxay ayaa muujiyey inuu raadinayey xasuuq, iyadoo isaga dib isugu rogtey. Ciidanka Difaaca Tigray ayaa dib ula wareegay magaalo madaxda gobolka waxayna qabsadeen kumanaan askar Itoobiyaan iyo Ereteriya ah. Qorshihii labaad ee Abiy oo noqdey inuu  diro maleeshiyooyinka qowmiyadaha gobollada kale ee ka soo horjeeda Tigreega – ayaa sii xumeeyay arrimaha. Dagaal cusub ayaa ka dhex qarxay Cafarta iyo Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo qaarkood aan kaliya ku koobnaan xidhitaanka marinkii tareenka Itoobiya iyo Jabuuti, laakiin waxay sidoo kale rabshado qowmiyadeed ka dhex dhalisay gudaha Jabuuti lafteeda. Dhanka kale, dagaalka Tigray, ayaa laga yaabaa inuu kala furfuro xukunka kaligii taliska Eritrea Isaias Afwerki. Xitaa haddii aysan sidan u dhicin, meeshaas Eritrea waxaa ka soo muuqda khakhal marka Isaias dhinto”.

Sidoo kale Somaliya, Ugaandha, iyo Koonfirta Sudan ba wuu ka hadley sida uu Maraykanku u daneeyo iyo lacagta kaga baxdey taasoo wax isbedel ah aan keenin haba yaraatee.

Markuu ka hadlaayey Somaliland wuxuu yidhi:

“Isbarbardhig ku samee waddamadan iyo Somaliland – oo ah qaran madax bannaanidiisa Maraykanku aqoonsaday 1960 ka hor midowgii walaaltinimo ee ay la galeen Somalidii Talyaniga si ay u dhisaan Soomaaliya. Midowgaas wuxuu burburay 1991, laakiin Mareykanka ma soo celin aqoonsi berigii lixdankii. Intii Soomaaliya ku jirtey burbur dagaal sokeeye, Somaliland waxay ahayd mid nabad ah. Waxay soo qabatey doorashooyin badan oo kala duwan – kuna saleysan hal qof ah hal cod –  oo ay ugu dambeysay tii qabsoontey May 31, 2021. Si ka duwan dal kasta oo Afrikaan ah – oo xitaa  Mareykanku ku jiro – waxay adeegsatey qalab wiilka-indhaha sawira markay hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha diwaangalineysey.

Diblomaasiyiin ka socda ku dhawaad toban wadan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa goobjoogey doorashooyinkii ugu dambeeyay, laakiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykan – Antony Blinken – iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya midna uma dirin goobjoogayaal doorashadaas.

Maanta, xisbiyada mucaaradka Somaliland waxay isu bahaysteen inay doortaan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda. Murashaxooda Cabdirisaaq Khaliif ayaa saddex cod oo keliya kaga guulaystay murashaxii Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yaasiin Fartoon. Halkii uu natiijada wiiqi lahaa, Madaxweyne Muuse Biixi wuu la dabbaaldegay, Xildhibaan Fartoon wuxuu ku qancay guuldaradiisii isagoo raali ah.

Madaxweyne Biixi, Xil. Fartoon, iyo mucaaridka Somaliland, ilaalinta dimuqraadiyadda ayaa ka mudan damaca shakhsiyadeed.

Boqortooyada Ingiriisku qudheedu ma aqoonsana gooni-isu-taagga Somaliland laakiin xafiis ayey ku leedahay Hargeysa. Diblimaasiga halkaas u fadhiya – Stuart Brown – ayaa ku hambalyeeyay Somaliland guushaa ay gaadhay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku waxay diidan tahay inay xitaa qirto – iskaba daa inay gacan ka geysato maalgelinteeda – dimuquraadiyadda kaliya ee guulaysatay ee  badweynta dawladaha kelitaliska amba guuldareystey ku dhextaal. Taageeradda Somaliland macnaheedu maaha inaad aqbashay madaxbannaanideeda. Dhab ahaantii, tusaalayaal iyada la mida ayaa jira sida Taiwan iyo Kurdistanta Ciraaq oo Maraykanku la shaqeeyo.

Wasiir Blinken iyo Madaxweyne Joe Biden ayaa u muuqda inay saxayaan “Diblomaasiyaddii xumatey” laakiin ficilladoodu waxay muujinayaan inay u arkaan dimuqraadiyadda Afrika si quursi ah.”

Leave a Reply