Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye

Somaliya oo Qarka u Saaran Qas Siyaasadeed iyo Dagaal Sokeeye

Malintii December 27, 2020, ayey baarlamaanka 10aad ee ka kooban labada aqal – Aqalka Sare (Senators) iyo Golaha Shacabka (House of Representatives) – ee dalka Federalka Somaliya ay ka dhamaatay mudo xileedkoodii ahaa afarta sano. Waxaa la soo dortay xildhibaandan bishii December 27, 2016. Weli war rasmi ah oo sheegaya inuu dalku galay xaalad baarlaman la’aan ah oo xukumadu ama golayaasha baarlamaanku shaaciyay ma jirto basle bulshada caasimada Mogadishu iyo gobolada dalka ayey arrintani ku dhalisay warwar iyo walaac la xidhiidha mushkiladan xaalada kalaguurku.

Somaliya ayaa la rajeynayey inay doorashadii labada gole ay ka bilaabanto bishan December si loogu gudbo tan madaxwaynaha ee bisha February 2021. Wax kasoo naasa cadi ma jirto doorashada haatan kadib markii uu dalku waajahay ismarinwaa iyo muran siyaasadeed oo u dhexeeya xukumada madaxwayne Mohamed Abdulahi Farmajo iyo musharaxinta u taagan doorashada madaxnimo. Muranka ayaa salka ku haya dood ka timid musharaxiinta oo ku eedyey gudiga doorshada qaranka ee ay xukumado soo xushey inay u badan yihiin shaqaale dawladeed, ciidanka nabadsugida, iyo taagerayaasha Farmajo ee baraha bulshada. Xukumadu wey ka dhaga furaysatay codsigii ahaa in la badalo gudiga doorashada oo lagu badalo kuwo u qalma inay u garsooraan musharaxiinta dhammantood.

Maalmihii u dambeeyay dawladu waxay sii kordhisay cadaadis ku aadan dhaqdhaqaaqa musharaxinta iyo kan bulshada ra’idkaba iyagoo u diiday musharaxinta inay qabsadaan kulano dadwayne. Waxaa kale oo ay xukumadu xoog u isticmaashay hakiska banaanbaxyo fikirkooga dastuuriga ah cabirayey oo ka soo horjeeday Farmajo.

Srkaal sirdoonka ah ayaa ku xabadeeyey suuqa Mogdisho dhexdiisa saddex gabdhood oo banaanbaxayey.

Waxaad mooda inuu dib usoo laabtay xukunkii milateriga ahaa ee 21 sano dadka soo cabudhinayay. Dhinaca kale ciidan dowlada ka tirsan ee guutada 1aad oo ka gadoodey cabudhiska shacabka caasimada ayaa la sheegay inay xoog kula wareegeen dhowr degmoyin oo ka tirsan magalada Mogadishu. Naxdinta ugu weyn ee laga dareemayo caasimada labadii habeen ee laso dhaafay ayaa ah inuu dhaco dagaal sokeeye oo isla caasimada ka qarxo.

Maraykanka ayaa kala baxay ciidan dhan ila kun askari caasimada todobaadki lasoo dhaafay sababo amni daro daraadeed.

Bulshada dalka Somaliya waxay iskugu jiraan dad ka cabsi qaba in dalku dib ugu laabto 1991 iyo qaar kale oo rajeynaya in Farmajo dib loosoo doorto. Hadaba su’aasha mudan in leysweydiiyo waxaa weeyaan: maxaa dhacay 1991? Waxaa dhacay 1991 dagaal sokeeye oo ay xukumadii Siyaad Bare ka masuul ahayd kadib markii ay 21 sano dalka cadaalad daro, cabudhin dadwayne, dil, xadhig, iyo kalitalisnimo ay ku maamushay. Dadka reer Mogadhisu waxay iska xoreeyeen talis afgambis xaaraana ku qabsaday Somaliya 1969, ka dib markii Somaliland ka baxday midowgii ee ay qaranimadii la soo noqdeen.

Dharigu markuu karo, mar ayuu furka tuuraa oo uu butaaca soona daaya wixii ku jiray oo kulayl badan. Dalku wuxuu dabka saarnaa 21 sano min 1969 ilaa 1991 oo uu furka tuuray laguna kala yaacay. Dhab ahaan, dagaal sokeeye ma fiicna laakin waxaa ka xun madaxwayne iyo xukumad kaligii talisa oo dadka cabudhiya.

Shacabka Somaliya waa inay fahmaan macnaha wadanku leeyahay iyo xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo dawlada. Wadan marka aad maqasho, waxaa u ka kooban yahay sadexda arimood oo kala ah:
Dal (country – Geographical boundaries)
Ummad (Nation – Population)
Dawlad (State – Functioning Government) awood leh
Xidhiidhka ka dhexeeya dal (Country) iyo ummad (nation) maaha qoomiyad ama qabiil balse waxaa weeyan ginsiyad (nationality) iyo wadaniyad (citizenship). Shacabka Somaliya waxay kaga duwan yihiin shacabka Ethiopia waa ginsiyadooda oo ah ta larabo in la ilaaliyo. Xidhiidhka ka dhexeeya dawlada (State) iyo shacabkuna (Nation) waa shuruuc, xeerar, distuur, iyo nidaam. Madaxwaynuhu xaq uma laha inuu ku xad gudbo distuurka dalka. Shacabkuna xaq uma laha inay shuruucda raaci waayaan. Ugu dambayn xidhiidhka ka dhexeeya dal (Country) iyo dawlad (State) waxaa weeyaan in ay dawladu ka masuul tahay ilaalinta xuududaha badda, bariga iyo cirka dalkaasi iyo waliba khayraadkiisa.
Mar haddii uu Farmajo rabo inuu xukunka kusii dhego oo uu waliba isku dayo weelkii lagu soo dooranaayey inuu isagu sameysto. Somaliya ma waxay maanta u baahan tahay kacdoon shacbi (revolution), afgambi kale (coup d’etat), badbaado (salvation), isbael (reform), mise dagaal (civil war) si looga baxo qaska 2020 la galay? Aqooyahanka, siyaasiyinta, iyo waxgaradka Somaliya ee ku kulmaya Puntland waaxa hor yaala su’aalahan oo u baahan in midwalba si qoto dheer loo eego oo looga jawaabo si dalka loo badbaadiyo ka hor inataanu meel dheer oo aan qabasho lahayn gaahin.
Qore:
Zaki Maki
Minneapolis, Minnesota

Leave a Reply