Somaliland Aid Group

Somaliland Aid Group

Waa urur mucaawimo oo dalka Sweden laga asaasaay sanadkii April 8, 1996 cinwaankiisuna yahay: 

It KVITROVÄGEN 2
311 32 Falkenberg 
Halland county

Ururku noociisu waa nonprofit organization with registration No. 849000-7849. Ururku wuxuu xidhiidh iskaashi la leeyahay Human Bridge. 

Human Bridge waa urur ku takhasusay bixinta qalabka caafimaadka. Xiriirinta ururku la leeyahay isbitaallada Iswiidhan iyo kambaniyadda caafimaadka awgeed, Human Bridge waxay awood u leedahay inay gaarsiiso qalab aad u tiro badan oo la isticmaalay laakiin si fiican u shaqeynaya waddamada adduunka. Shaqadeenu waxay ka kooban tahay ururinta, dayactirka iyo qaybinta qalabka caafimaadka iyo qalabka naafada, iyadoo inta badan gaadhsiisa waddamada Afrika iyo Bariga Yurub 

Laga soo bilaabo 2011 kii Human Bridge waxaa loo diiwaangeliyey inet tahay NGO ka jira Itoobiya, xafiisyo iyo wakiilna ku leh magaalo madaxda Addis Ababa. 

Mucaawinooyinkii u horeeyey ee ururkan u diray Somaliland waxay ahayd mid loo diray Jaamacadda Hargeisa waqtigii albaabadda loo furaayey.  

Xiliyadii dambe wuxuu ururku isku koobay inuu dhinaca daryeelka caafimaadka wax ka qabto oo cusbitaaladda Somaliland sidii uu qalab caafimaad ugu soo heli lahaa ayuu ka dhigay ahmiyadiisa kowaad. 

Sanadka 2019, Kooxda Gargaar Somaliland ayaa si buuxda u qalabeysay Isbitaalka Ceerigaabo oo leh sariiro iyo qalab kale oo caafimaad oo aasaasi ah iyo sahayda daryeelka bukaan -jiifka. Qalabkii cusbitaalkan loogu deeqay wuxuu dhammaan ka muuqdaa liiskan hoos ku husan. 

Mucaawinooyinka kale ee ururkani suurogaliyey intii uu jiray waxay gaadheen cusbitaaladda iyo xarumaha caafimaadka ee Hargeisa, Berbera, Wajaale, Gebilay, Garbadadar, Alaybaday, Mandheera, Burao, Buuhoodle, iyo Laascaanood. 

Hawsha Human Bridge ayaa ah in ay ururiso isla markaana kaydiso qalabka caafimaadka ee dheeraadka ah ama aan loo baahnayn sababtuna tahay qalab cusub oo la helay awgeed iyadoo xidhiidh la leh isbitaallada, kambaniyada qalabka caafimaadka sameeya amba qeybiyaba dalkaas Iswiidhan. 

Bahdan Gargaar Somaliland waxay ku hawlan tahay sidii loo qalabbeyn lahaa “Cusbitaalka Birjeex”. Wiigan gudihiisa ayey bixiyeen kharashkii lagu rari lahaa hal koonteynar oo qalab caafimaada, kaas oo ku beegan inuu gaadho Somaliland bisha November ee sanadkan. 

Bixinta kharashka ku baxa dirista qalabkan caafimaad waxaa dhabarka u ridatey kooxdan Somaliland Aid iyadoo xubnaheeda ku baahdan adduunweynaha ka soo ururisa lacagtaas. Hawlahani waa dadaalo iska-wax-u-qabso ah oo daryeelka caafimaad ee dhammaan goboladda Somaliland la rabo in kor loogu qaado.  

Xidhiidh dhow oo wada shaqeyn ah waxay isla qaateen dhawaan Amoud Foundation iyo SAHA (Somaliland American Healthcare Association) oo ah urur ay ku bahoobeen bahda caafimaadka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland kuna nool Waqooyiga Ameerika 

Gargarkii qalab caafimaad ee u dambeeyey oo ahaa labo konteynar, oo ay kooxdani maamushay, wuxuu tegey Somaliland bishii Juun ee sanadkan iyadoo la gaadhsiiyey Oodweyne iyo gobolka Awdal, iskana kaashadeen bixinta kharashka rarkii Amoud Foundation iyo Somaliland Aid Group..  

Warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa wadadyare@hotmail.com  

 

[pdf-embedder url=”https://sii1991.org/wp-content/uploads/2021/08/Human-Bridge-1.pdf”]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *