Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo la Bililiqeystey

Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo la Bililiqeystey

Warqad lagu faafiyey baraha bulshada, ayuu Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye Wacays shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xasan Dirrir xad gudubyo uu ku eedeeyey oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo xil gudosho la’aan. 

Warqadda shaqo joojinta ee Wasiirka ayaa ku eedeyneysa Agaasimaha Guud in masuuliyaddii isaga hoos imaneysey ee shaqadii wasaaradu istaagtey isla markaana aan laga soo jawaabin waraaqaha iyo xiriirinta e-maylka. Eedeynta ugu culus ee warqadda shaqo-joojintu sheegayso ayaa ah in Mudane Dirrir (the Director General) shaqada lagaga joojiyay sameynta shaambado been abuur ah, iyadoo warqadu aaney faahfaahin ujeeddada shaambadaha loo sameeyey iyo waxa Agaasimaha Guud u adeegsadey. 

In kastoo mudada xilal-isku shaandheynta golaha wasiiradda iyo jagooyinka kale ee madaxweynuhu magacaabo ay yar dheer tahay maamulkan Muuse BiixiAgaasimaha Guud – Mudane Maxamed Xasan Dirrir – waxaa magacaabay Madaxweynaha gudahii bishii Oktoobar 2020 halka Wasiirka Mudane Maxamed Muuse Diiriye Wacays laga soo bedelay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Qaranka –xilkan oo uu hayey tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi la wareegay xafiiska bishii noofembar 2017 – lana keenay Wasaaradda Horumarinta Biyaha bishii  Disembar 2, 2019. 

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye Wacays wuxuu ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha u qaabilsanaa nabadgelyada xukuumadii hore ee madaxweyne siilaanyo. 

Wasaaradda Horumarinta Biyaha waxay ka mid ahayd kuwa ugu waxqabadka yar wasaaradaha ee aan wax ka beddelin nolosha dadka reer Somaliland, gaar ahaan reer miyiga oo ay biyo yaraantu iyo abaaraha soo noqnoqday ay baabi’iyeen xoolihii noolaa ee qiimaha badan u lahaa. Wakaaladaha biyaha magaalooyinku way ka madax bannaan yihiin Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo ka gaabsaday magacooda inay sheegaan iyagoo ka cabsi qaba aargoosi, waxay ku eedeynayaan hoggaanka wasaaradda – gaar ahaan Wasiirka – musuqmaasuq baahsan iyagoo xusey dhacdo gaara oo uu Wasiir Diiriye ku joojiyey dhismaha biyo xireen ay maalgelinaysay hay’ad gargaar (an Aid Agency) oo ku taal gobolka bari ee Sool ilaa shirkada fulineysey mashruucaas ay si toos isaga ula xaajooto. Somaliland Chrocicle oo maqaalkan laga soo xigtey ma xaqiijin karto runimada dhacdadan.

Intaas waxaa sii dheerWasiirka waxaa  lagu eedeeyay  inuu wiilkiisa ka shaqaaleysiiyay mashruuca horumarinta kaabayaasha biyaha ee malaayiinka doolar ku baxayaan oo ay maalgalisey Bangiga horumarinta Afrika iyadoo hawshaas ay fulineyso hay’ada Care International, markii ay wasaaradu la wareegtey mashruuca bil gudadeed isagoo ka dhigay maareeyaha guud.

Waxaa jira arrimo kale oo tilmaamaya ku takrifal qurul xada. Sida ku cad diiwaanada maaliyadeed ee ay dib u eegis ku samaysay Somaliland Chronicle, intii uu wasiirka ahaa DiiriyeWasaaradda Horumarinta Biyaha waxay 43,737.21 US Dollar ku bixisay xafladaha lagu martiqaaday odayaasha dhaqankaDiiwaanadaas qaarkood waxay muujinayaan xafladaha ay martigelinayaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud

Intaas waxaa sii dheer, wasaaraddu waxay ku bixisay US$62,000 kharashka safarka maxaliga ah ee wasiir Diiriye iyo xubnaha la socday intii u dhaxeysay bishii Maarso 2020 iyo Abriil 2021. Sidoo kale, sanadkii 2019, Wasaaraddu waxay ku dhowaad kala badh lacagtaas ku bixisay kharashaadka socdaalka maxalliga ah. 

Ma cadda talaabooyinka uu qaadi doono Hantidhawraha Guud ee Somaliland ama haddii warqada Wasiirka ay bilaabi doonto baadhitaan lagu sameeyo dhaqaalaha Wasaaradda. In kasta oo masuuliyiin kooban ay shaqooyinkoodii ku waayeen eedaymo musuqmaasuq, haddana dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ee lagu soo oogo saraakiisha dawladda Somaliland ayaa ah kuwo naadir ah. 

Wasiirkii Diiriye uga horeeyey Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo hadda ah Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Qaranka ayaa sidoo kale loo soo jeediyey eedeymo la mid ah musuqmaasuq, sidoo kalena wuxuu shaqada ka joojiyey Agaasimaha Guud oo uu ku eedeeyeyus casinimo iyo xadgudubyo kale dhawr bilood ka hor intaan la isku beddelin isaga iyo Wasiir Diiriye  . 

Wasiir Diiriye iyo Agaasimaha Guud Dirrir oo aanu isku dayney inaanu wax ka weydiino arrintan ayaaney noo suurtogelin. 

Maqaalkan isagoo Af Ingiris ku qoran wuxuu ugu horeyn ku soo baxay halkan 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *