Maxkamaddoo Go’aamisey Xanibaada Goobaha Bulshada ee Colaada & Dacaayadda ku Hawlan

Maxkamaddoo Go’aamisey Xanibaada Goobaha Bulshada ee Colaada & Dacaayadda ku Hawlan

Go’aan maxkamadeed oo soo baxay badhtamihii bishii January ee sanadkan 2023 oo ay aragtay mareegta Somaliland Chronicle ayaa lagu doonayaa in lagu xakameeyo weriyayaal kooban oo lagu eedeeyey kicin rabshado iyo dacaayad been abuura. Waxaanay maxkamadu ku amartay hawl-wadeennada kambaniyadda isgaadhsiinta ee Somaliland inay xannibaan bogagga baraha bulshada ee 9 weriye iyo mareego warbaahineed oo lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo colaad hurin.

Sida lagu sheegay amar ka soo baxay Maxkamadda Degmada Maroodijeex, Xukuumadda Somaliland ayaa doonaysa inay xayirto Baraha Bulshada ee Facebook-ga, youtube-ka iyo Twitter-ka ee Mudane Cabdirisaaq Terra, Marwo Busharo Baanday, Maxamed Yusuf Bakayle, Abdisalam Germany iyo kuwo kale.

Qaar ka mid ah wariyayaasha ay xukuumadda Somaliland doonayso inay ka hor istaagto inay gaadhaan Somaliland ayaa faafiya warar, waraysiyo iyo qoraallo la xidhiidha xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood kuwaasoo ku eedeeyey xukuumadda Somaliland inay xasuuq ka geysatey, isla markaana ku hawlan soo gudbinta farriinta Garaadadda u heellan inay la midoobaan Somalia ee ku dhaartey inay dagaal ku qaadi doonaan Jamhuuriyadda Somaliland ilaa inta ay ka baxayso waxa ay ugu yeedheen dhulkii awoowayaashood.

Mararka qaar, wariyayaashani waxay baahiyeen dacaayado ay uga dan leeyihiin inay fidno ka dhex abuuraan Somaliland iyo inay niyad jabiyaan ciidamada Somaliland.

In kasta oo dhaqanka Dawladda Somaliland ee ku aadan xorriyadda hadalka iyo ta saxaafadduba aaney ahayn mid ammaan mudan oo heersare ah, khaasatan xukuumaddaa Madaxweyne Muse Biixi, haddana waddamo badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Kanada, Jarmalka iyo Maraykankuba oo xoriyadda hadalka iyo saxaafaddu u tahay tiir-dhexaadkooda oo dimuqraadiyadda ku dhaqma ayaa mararka qaarkood soo saarey sharciyo lagula dagaalamayo wararka been-abuurka ah iyo hurinta colaadaha huwan.

Ma cadda in shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ay u hoggaansami doonaan amarka maxkamadda oo soo baxay saddex bilood ka hor, iyo inay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tignoolajiyada Somaliland iyo hawl-wadeennada Isgaadhsiinta. Awoodda xukuumadda Somaliland ayaan wax saamayn ah ku yeelan shirkadaha isgaadhsiinta oo ay leeyihiin bangiyada ugu waaweyn Somaliland.

Dadaalo ay mareegta Somaliland Chronicle ku dooneysey in la xiriirto shirkadaha isgaarsiinta iyo wasaaradda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada Somaliland si loo ay u xaqiijiso jiritaanka amarka maxkamadda ayaa lagu guuldareystay.

Maqaalkan oo Ingiriisi ku qoran halkan ka akhri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *