Dufcaddii 1aad ee ka Qalinjabisa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka

Dufcaddii 1aad ee ka Qalinjabisa Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen 400 (Afar boqol) oo macallin oo ah dufcaddii koowaad ee ka baxda kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka, ee ku taala duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay madaxda ugu sarreysa ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, masuuliyiinta gacanta ku haya kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka, iyo marti-sharaf kale oo tiro badan,tiiyoo halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo macalimiinta cusub iyadoo carabka lagu adkeeyey muhiimadda ay macallimiintani qaranka ugu fadhiyaan.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Abokor, oo madasha ka hadlay ayaa si hufan u sheegay muhiimadda kulliyadda Tababarka macallimiinta qaranka iyo tacabka ay wasaarad ahaan geliyeen soo saarka macalimiin tayo leh.

 Marwo Saamiya Maxamuud Axmed

Marwo Saamiya Maxamuud Axmed, oo ka socotay Gobolka Sool kuna hadleysey Afka macalimiinta maanta qalinjebiyey, ayaa ka sheekeysey dedaalkii iyo dhabaradaygii ay soo muujiyeen muddadii ay waxbarashadu u socotay, iyadoo ka dhawaajisey in tacliintii la baray ay kula noqon doonaan macalimiintu goobihii kala duwanaa ee ay yimaaddeen.

Hormoodka kulliyada tababarka macallimiinta qaranka, Mudane Axmed Cumar Quule, ayaa isguna si qoto dheer u sharxay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay kulliyaddu isagoo caddeeyey inuu kalsooni badan ku qabo tayada macalimiinta.

Wasiirka wasaararadda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, ayaa dhinaciisa isaguna bogaadiyey bareyaasha maanta ka qaliinjabiyey, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu macallinku leeyahay iyo meeqaanka aan duugoobi Karin ee ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin. Wasiirku waxa uu sharxay ujeeddada laga leeyahay bareyaasha la tababaraayo iyo nooca macalinka ay wasaarad ahaan doonayaan inay kulliyadda kasoo baxaan isagoo yidhi: “Tababarkani waxa uu ka mid noqon doonaa ruqsadda ama liisanka la siin doono macallimiinta ee lagu doonayo in marka uu dhammaado sannadka 2022-ka inaanu Somaliland wax ka dhigi Karin macallin aan ruqsad haysani, waxa ku jirta oo kale inuu xirfadda togan ee wax-dhigista”.

Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna xafladda hadal ka jeediyey ayaa hambalyeyn kaddib guul iyo higsi uu qaranku lahaa oo la gaadhay ku tilmaamay inay soo baxaan barayaal. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay bahda waxbarashadu qaranka u leedahay iyo sida ay laf-dhabarta ugu yihiin horumar kasta oo la gaadho isagoo yidhi: “Waxaynu qiraynaa in bahda waxbarashadu yihiin halka dalku ka dhismayo ee mustaqbalkeennu ku jiro, taana waxba ka hagran mayno, wax danteennu reebto mooyaane,”.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey barayaasha ka qalinjebiyey kulliiyadda tababarka macallimiinta qaranku, isaga oo dhinaca kalena dhagax-dhigay dhismeyaal cusub oo hoy seexasho u noqon doona macallimiinta kulliyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *