Dahabshiil iyo Telesom oo Batroolka Iran ka Iibsada Marakiibta Ciidanka Ilaalada Khumeyni oo Dawladda Mareykanku Xayiraad Saartey
Shirkadda Telesom, ee bixinta Adeega Internetka Somaliland gudaheeda ku keliyeysatey, ayaa dhawaan ka xidhay dadweynaha Reer Somaliland inay siyaartaan hoyga bogga loo yaqaan “Somaliland Chronicle” ee falanqeysa warar ku saabsan siyaasadda maamulka Qaranka Somaliland ee la xidhiidha dhinacyo kala duwan sida maareynta arrimaha dawladda, qandaraasyadda dawladda ee gacanta u gala maalqabeenka, iyo guud ahaan sida dhaqaalaha dalku u shaqeeyo ee saameyn weyn ku leh masiirka dalka iyo dadkaba.
Sidoo kale waxa uu boggu soo bandhigaa baadhitaano iyo dabagalo uu sameeyo oo salka ku haya xogo dhaba oo la xaqiijiyey jiritaankooda kuna saabsan dhacdooyin ka qabsoomay dalka oo ay hormood ka yihiin amba lug weyn ku leeyihiin xubno Golaha Wasiiradu amba Hogaanka Shirkada Waaweyn, oo sharciga dalka baalmarsan.
Bishan Maarso 10, 2026, ayuu boggu soo saaray qoraal si qoto dheer oo faahfaahsan uga hadlaya markab shidaal siday oo dekadda Berbera ku soo xidhay, una rarnaa labadda shirkadood ee kala ah : Shidaalka Geeska (Horn Petroleum) oo Kooxda Dahabshiil (Dahabshiil Group) leedahay iyo SomGas oo qayb ka ah shirkadda Hurmuud ee laga leeyahay dalka Somaliya.
Shidaalkan waxaa siday markab ku xidhan Ciidanka Ilaaladda Kacaanka Islamiga ee Iran loona yaqaan Qudus (CIKI-Q) sida ku sheegan maqaalka, isagoo ku soo xidhay dekedda Berbera bishii Feebarwari 2026 tiiyoo doonyaha dawladu gacansiiyeen xidhidhaankiisii.
Horn Petroleum iyo SomGas ayaa shidaalkaa labo qayb oo isleeg u kala qaatey, tiiyoo maamulka dekadda Berbera shixnadan shidaalka ah ku tilmaameen mida an hore loo arag baaxadeeda.
Isla markabkan ayaa bishii 9aad 17keedii ee 2025 isagoo ku xidhan deked Yeman ku taal oo Xuutiyiinta maamulaan loona yaqaan Ras Cisa ay Israa’il la beegsatey gantaal ka dhacay diyaarad daroon ah, isagoo gaas u sida Xuutiyiinta, mar ay qori caaraddii ku haysteen markabka iyo 27 qof oo saarnaa Xuutiyiintu, tiiyo mar dambe dadaal diblimaasiyadeed iyo dawladda Pakistan ku guuleysyeen soo daynta markabka iyo shaqaalihiisiiba.
Maraakiibka ayaa iska diiwaan geliya wadamo kale si ay mararka qaarkood u qariyaan cida leh si ay u khaldan macaamiisha, haddii xayiraadi saaran tahay ambaba rabaan in socdaalkooda badu u dhibyaraado.
Isla markabkan ayaa 5 bilood ka dib, tiiyoo magacii laga bedelay, calan kalena la saaray, loona sameeyey waraaqo ah in Ciraq laga leeyahay, ku soo xidhay dekedda Berbera lagana rogey shidaalkii uu siday tiiyoo loo qaybsadey sida kor ku xusan.
7 markab oo xayiraadi saaran tahay amba shake weyni dul hoganayo ayaa ku soo xidhay dekedda Berbera 30 kii cisho ee ku xigay dhacdadan iyada ah.
Saddex masuuliyiinta dekedda Berbera ayaa la xidhay maalmo yar ka dib markii markabkani ka ambabaxay dekedda, tiiyoon arrin aan la shaacin ilaa hadda wax dambi ahna lagu soo oogin masuuliyiintaas halka madaxdii shirkadaha shidaalka lahaana aan weli haba yaraatee wax ficil ah laga qaadin.
La macaamilka markabkan, warqadda ogolaansha ee la siiyey, iyo hawl fududenyta dekeddu u sameysey waxay ka hor imaneysaa qaraarkii madaxweynaha Maraykanku soo saaray tiiyoo Somaliland u keeni karta in la saaro cunaqabateyn xili la rabo in Aqoonsiga Somaliland laga iibiyo Maraykan iyo weliba Israa’iil oo aqoonsatey Somaliland in arrinkani shaki ku abuuro.
Agaasimaha Dekedda Berbera, Cabdi Diriye, oo madaxweynuhu magacaabo, ayaan ka soo jawaabin codsiyo loo diray oo arrintan khuseeya, qabanina dhawr telifoon oo loo diray, ka hor daabacaadda maqaalkan.
Suaasha imaneysaa waxaa weeye maxaa Telesom soo galiyey arrinkan ee ay xayirtay bogan soo bandhigay khiyaamadan qaranka halista ku ah. Telesom waa laan la mid ah shirkadda weyn Hurmuud fadhigeeduna yahay Muqdishu oo go’aamadda halkaas ayaa looga soo yeedhiyaa.
