Xiyiraada Flydubai Go’aan Caddaalad Huwan Maaha

Xiyiraada Flydubai Go’aan Caddaalad Huwan Maaha

Waxaa mudan  inay shacabka Somaliland – gudo iyo dibadba – iswediiyaan su’aal odhaneysa:

“Waa maxay danta ugu jirta qaranka Somaliland in duulimaadka diyaaraduhu u kala socdaan Hargeysa iyo Muqdishu halka kuwii la midka ahaa ee FlyDubai iyo Al-Carabiya ay weli xayiraadi saran tahay ?

Daabacaadda qaraalkan ka hor, muwaadiniin badan oo su’aashan u soo bandhigay, anigoo adeegsanaayey barta aan ku leeyahay Facebook,  dareemadey ka bixiyeen waxay isugu soo biyo shubteen fikraddii aan qabey ee aan uga dan lahaa qormaddaUjeedaddii aan su’aashan ka lahaa ayey jawaabahaas muwaadiniinta Reer Somaliland ii sii xoojiyeen.

Mustaqbalka Somaliland ayaa ku xidhan Flydubai iyo Al-carabiya, oo fadhigoodu yahay wadanka Imaaraadka Carabta. Duulimaadyadda labadaas diyaaradood waxay door laxaad leh ka ciyaarayeen – marwalbana ka ciyaari doonaan – kobaca dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Somaliland. Kobocaas dhaqaale waxaa si toosa ugu xidhan koboca Jidka Berbera-Wajale, horumarka Madaarka Berbera, iyo Suuqa Ganacsiga Xorta ee Somaliland ee loo qorsheeyey inuu ka hirgalo magaaladda Berbera. Intaas oo wada rajo ah ayaa ku xidhan xidhiidhka Imaaraadka Carabta oo ay hormood u yihiin labadaas diyaaradood.

Rajooyinkaasi wey ka culus yihiin waxaynu maanta ku qabno duulimaadya Muqdishu iyo kuwa Djibouti ba. Heshiisyadda diyaradaha taga Muqdishu iyo Djibouti waa heshiisyo gacan-qaad ah oo ka dhexeeya mulkiilayaasha shirkadaha iyo dawladaha ka taliya Hargeysa, Muqdishu iyo Djibouti.  Heshiisyadani kuwo qoran oo ogol qaranimada Somaliland midna ma aha. Maxaa inoo diidaya inaynu heahiiskaa is gacan qaadka la galo Flydubai iyo Al-carabiya inta la gaadhayo heshiisyo qoran si danta qaranka iyo ta guud ee dhaqaalaha wadanka loo illaaliyo.

Gunaanad

Mawqifka dawladu ka qaadatey shirkadaha Flydubai iyo Al-carabiya fikir ahaan mid khaldan maaha, waana sax in qaranimada la taageero oo la illaaliyo meel kasta iyo mar walba.

Laakiin go’aanka waxa ka dhex muuqata is adkeyn aan ka jirin go’aanadda kale ee la midka ah go’aankan sida diyaaradaha taga Muqdishu iyo Djibouti. Go’aankan lagu riday Flydubai wuxuu dul maray danaysiga dhaqaale iyo heshiisyada nasteexada ku saleysan ee Somaliland kula dhaqanto dawladaha jaarkeeda iyo kuwo xidhiidh saaxiibtinimo ka dhexeeyo.

Haddii is adkeynta iyo go’aan qaadashadda adag ee ka dhex muuqata kan Flyduai lagu soconaayo markay timaado shirkadaha diyaaradaha, waa in la joojiyaa duulimaadyada Muqdishu iyo kuwa Djibouti ba, sababtoo ah kuwaasiba heshiisyo qaranimada Somaliland ogol kuma joogaan, oo Muqdishu iyo Djibouti midna heshiis qaranimada illaalinaya inagulama jiraan, ee waxay ku joogaan heshiis daneed iyo is gacan-qaad ah.

Dulimaad Flydubai oo Garoonka Caalamiga ee Cigal fadhida

Markaa nuxurka qormadani waxay tahay in shirkadaha Flydubai iyo Al-carabiya ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta rajo badani iyagaba inagaga xidhan tahay ee maxaa heshiiska gacaltooyo ee danaysiga, kasoo la siiyey diyaaradaha Muqdishu iyo DJibouti taga, loo siin waayey Flydubai iyo Al-carabiya inta la gaadhayo heshiis buuxa oo dhammaan danaha qaranka ee cir iyo dhulba leh illaalinaaya lagaadhayo.

Fikradaha u haysta amba ku doodaya heshiisyo qaranimada Somaliland ogol baa Muqdishu iyo Djibouti lala galay, waa fikrado aan runta ogeyn. Taladu waxay isugu soo urureysaa in Shirkadahaas Imaaradka lala galo heshiisyo gacaltooyo oo dan iyo nasteexo ku salaysan, laakiin loo balamo in heshiisyo waara la galo, iyada oo danta qaranka iyo kobcinta dhaqaalaha labadaba la eegayo. Haddii arrinkeenu noqdo ku jiqsii oo Imaaraadkuna sidoo kale yeesho wax badan baa inaga lumaya.

Qore:

 

 

 

 

 

Rashid Garuf

Email: rgaruf@gmail.com
Wakiilkii Hore ee Xafiiska Somaliland ee USA
Virginia, USA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *