Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?

Maayir Mooge: Ma Siyaasi Danaystaa Mise Waa Halyey Qaran?

Maqaalkan oo Af Ingiriisi ah halkan ka AKHRISO

Shakhsi jaceylka si indho la’aana loo aamino iyo rumeysiga  hadallo madhan  waxay noqdeen aafo soo ifbaxday mudadii uu Madaxweyne Muse Bihi xilka hayey, lagana yaabo inay ka dhigaan Madaxweynihii ugu xumaa tan iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadeenna Somaliland. Inkasta oo aynaan dul istaageyn burburka tareenka uu wado Madaxweyne Muse Bixi iyo halka uu kaga jiri doono buugaagta sooyaalka taarikhda, qoraalkan nuxurkiisu wuxuu yahay in dadweynaha Reer Somailand ay yeesheen dhaqan cusub oo ah inay dabogalaan ash-khaasta hadaladda macaan ee aan micnaha badan lahayn ku hadaaqa.

Shacbiga Somaliland, iyagoo sida muuqata aan waxba ka baran balan-jabinta siyaasadda, ayey hadda maaweelinayaan fikradda ah in Maayirka Hargeysa – Cabdikarim Axmed Mooge – uu dawo u yahay dhammaan dhibaatooyinka ka jira Somaliland.

Inta aynaan u sacab tumin badbaadada laga filayo Maayir Mooge, bal aynu eegno waxa u qabsoomay Maayar Mooge intii uu ahaa Duqa Hargeysa tan iyo markii la doortay 2021-ka.

Ammaan badan ayuu mudan yahay Maayar Mooge, isagoo baro dheeraaday maayirkii ka horeeyey, waayo  waxqabad muuqda ayuu sameeyey sida nadiifinta qashinka magaalada, dhir beerista, iyo dayactirka waddooyinka dadweynaha, taas oo reer Hargeysa ay aad ugu ammaaneen.

 

 

Bilowgii dagaalkii uu ku qaaday musuq-maasuqa ka dhex jiray Dowladda Hoose ee Deegaanka ayaa ah mid ammaan mudan. Si kastaba ha ahaatee, bal aynu dib u jaleecno wejigii soo jiidashada lahaa oo aynu sii qoto dheer wax u eegno.

Waxaa muhiim ah in la garto in waxqabadkii SOLTELCO uu yahay geed gaaban oo aad u hooseysa oo si dhib yar looga boodi karo. Runtii, Hargeysa way fiicnaan lahayd haddaanay haba yaraatee maayar lahayn. Waxaa uu Maayirkii hore ee SOLTELCO ka mid ahaa maayarradii ugu xumaa ee waayadan dambe inta la xasuusto soo mara Hargeysa, taasoo keentay in dadweynuhu barteen kuna qancaan hoggaan aad u liita, xitaa waxqabadkii yaraa dabadii loo qaato badbaado.

Maayar Mooge weli irbad dun ma gelin si uu Hargeysa uga dhigo caasimadda ay mudan tahay. Waxa uu balan qaaday in Hargeysi ay la tartami doonto caasimadaha aduunka; laba sano ka dibna weli waxay u muuqata riyo soo socota.

Maayir Mooge waxa uu ku guul dareystay imtixaankii aasaasiga ahaa ee u qiri lahaa inuu yahay Hogaamiye dhaba,  halgamaa la dagaalamaya musuq-maasuqa, iyo isbedel doonihii  uu shacabka ka iibiyey xiligii uu musharaxa ahaa, isagoo door biday in uu dhinaca kale uga jeesto bililiqada baahsan ee lagu hayo dhulkii danta guud ahaa iyo musuq-maasuqa sharciyeysan ee uu ku kacay maayirkii isaga ka horeeyey ee ilaa hadda lacagta cashuurta Reer Hargeysa bixiyaan jeebka ugu shuba SOLTELCO.

Maayirkii hore ee SOLTELCO waxa uu shirkado – uu saamiyo gaar ah ku lahaa – gacanta ka galiyey ilo dhaqaale oo muhiima ooy dawladda hoose lahayd sida: maamulka dhulka iyo ururinta qashinka. Maayir Mooge oo laba sano jirsaday, ayaa indhaha ka qarsaday, isagoo u ogolaadey SOLTELCO inuu sii wado dhiig-baxa Hargeysa xataa isagoon ahayn maayarkii. Tani waxay Maayir Mooge ka dhigaysa siyaasi ku odhan kara wax kasta oo suurtogal ka dhigaya in la doorto isagoo hankiisa siyaasadeed danta guud ka hormarinaya si aan gabasho lahayn.

 

 

Maayir Mooge waxa uu isku cadeeyay in uu yahay siyaasi caqli badan, in kasta oo sifadaas aaney ahayn mid mudan ammaan halkan. Xariifnimadiisa markay timaado dan-siyaasadeed waxay ka muuqataa sida uu ugu karti badan yahay inuu isdhagooleeyo isagoo qof aan waxba ogeyn iska dhiga si uu uga muquurto iska hor imaadka iyo doodaha adag. Tusaale waxa ah dib u dhiska Suuqa Waaheen oo ah masuuliyad hoos imaneysa maamulkiisa dawlada hoose, taasoo la yaab ahayd, in si fudud uga qaaday Wasaaradda Hawlaha Guud, oo ahayd tallaabo loo maleynayo in loo qorsheeyey si habeysan oo shirkad laga leeyahay Estwini la siiyo qaab aan daahfurneyn. Waxa cajiiba, Maayir Mooge wuu iska aamusay, isagoo aan wax cabasho ah ka muujin musuqmaasuqa qaawan.

Aamusnaanta Maayir Mooge iyo ka maqnaanshaha waaqica jira ayaa sii hawlyareysey inay weli socoto boobka hantida dadweynaha ee laga iibinayo maalqabeenka sida iibinta dhulka Laynka Booliska, iyadoo qasab lagu barakiciyey dadkii deeganaa halkaas oo ay u badan yihiin qoysas ay ka soo kala jeeda ciidamada booliska ee hadda iyo kuwii horeba, iyo garoonka kubadda kolayga ee Jigjiga yar si loogu sameeyo barxadda baabuurta la dhigto huteelka ku xiga.

Dhacdooyinkan mugdiga badan huwan ee la xidhiidha dhulka danta guud ee hoos yimaada masuuliyadiisa, Maayir Mooge ayaa xariif ku noqday inuu hawada ka baxo isagoo muujinaya aragti ah in aanay siyaasadiisu ku jiheysenayn ilaalinta danta guud, balse ay tahay mid ku wajahan ilaalinta naftiisa iyo in uu si ku habboon uga fogaado khilaaf kasta oo sumcaddiisa wax u dhimaya.

Hab-dhaqankani waxa uu walaac weyn ka muujinayaa daacadnimadiisa, u heellanaanta daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo, ugu dambayn, wanaagga uu u hayo degaanka uu u adeego.

In kasta oo uu Maayir Mooge hal-ku-dhega ah “waa cashuurtaadii” uu ku xardhay boodhadhka xayaysiiska, haddana muddadii labada sannadood ahayd ee uu xilka hayay waxa ka muuqday daahfurnaan la’aan badab.

Waxa cajiiba, in aanay jirin hal warbixin oo tafaasiil ka bixisay dakhliga, kharashaadka iyo miisaaniyada Dawladda Hoose ee Hargeysa oo intii uu hogaanka haayey aan la soo saarin, taas oo aan waxba dhaamin mad-madowgii uu lahaa maayirka ka horeeyey.

Waxqarintan xad-dhaaftey  waxa sii xoojinaysa eedaymo la xidhiidha in Dawladda Hoose ay lacago badan ka amaahanayso Baanka Dhexe ee Somaliland. Maayir Mooge waxa uu isku dayay in uu dafiro xaqiiqadan balse waxa uu si badheedha ugu qirtay isla khudbadaasi, iiyadoo arrinkani hoosta ka xariiqayo  qaabka wax-is-daba-marinta iyo maamul-xumada maaliyadeed ee indhihiisu arkayaan. 

Sidoo kale, Maayir Mooge oo si buuxda uga soo horjeestay xoriyatul qawlka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, oo ay weheliso dareenkiisan cusub ee arrimahan xasaasiga ah ku aadan, waxay tusaysaa inuu yahay hogaamiye aad ugu mashquulsan ilaalinta magaciisa iyo guulwadetnta Madaxweyne Muse Bihi halkuu muwaadiniinta Reer Hargeysa iyo Somaliland guud ahaan ugu shaqeyn lahaa. In kastoo jileeca ka muuqda Maayir Mooge aanu wax badan yeeleyn shaqadiisa ah Duqa Magaalada Hargeysa, haddana waxa isweydiin mudan su’aal muhiima oo ku saabsan ku habboonaantiisa jagada madax-weyne ee qaranka Somaliland oon hawlyareen. 

Hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland – oo ah dal aan la ictiraafin weli oo caqabado waaweynina horyaaliin –  waa masuuliyad aad uga weyn horjoognimadda Dawladda Hoose ee Hargeysa. Waxa nassib daro ah, in Maayir Mooge aanu ku fashilmin oo kaliya in uu noqdo hogaamiyaha ay Somaliland u baahan tahay, balse  uu xambaarsan yahay ceeb kasta oo soo martay taariikhda hogaaminta Somaliland, markaad eegto taariikhdiisa ay ka buuxdo dan siyaasadeed iyo quudhsiga badheedhka ah ee la xidhiidha isla-xisaabtanka iyo furfurnaanta qaab shaqeedka maamulkiisa. 

Doorka uu Maayir Mooge maanta xaq u yeeshay ayaad mooddaa inuu yahay dhinac istaagga Madaxweyne Biixi isagoo dhoola-cadaynaya oo iska indha tiraya sida ay dawladda dhexe u dhacayso waxa yar ee hantida ummadda ka hadhay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *